Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Soo Bandhigay Ujeedada Laga Leeyahay Madax Taabashadda Shaqaalaha

Hargaysa(GNN)Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha dawlada somaliland Sharmaake Axmed Muuxumed Geelle Sgayaa ka hadlay ujeedada laga leeyahay tirinta madax taabashadda ah ee lagu samaynayo shaqaale waynaha dawlada somaliland.

Sharmaake ayaa sheegay in muhiimada koobaad ee kala shaandhaynta lagu samaynayo shaqaalaha uu yahay sidii looga saari lahaa caaglaha iyo kuwa aan shaqayn.

laga saaro caaglayaasha isla markaana shaqaalaha lagu kormeero adeegyada ay bulshada u qabanayaan iyada oo lagu dhaqayo siyaasadda dallacsiinta iyo dhiiri gelinta ee la sameeyay

3-Ogaanshaha Xogta shaqaalaha dawladda sida Da’da, waxbarashada, khibradda, jinsiga, iwm. Taas oo dawladda ka caawinaysa qorshaynta shaqada iyo shaqaalaha mustaqbalka iyo in la ogaado da’da shaqaalaha taasina ay keenayso in la garto inta hawl-gabka ah.

4-Waxay fursad shaqo abuur u noqonaysaa dhalinyarada taasi oo ay shaqooyin ka heli karaan marka inta aan jirin ama joogin laga saaro sidoo kalena inta hawl-gabka ah siyaasad dhaqda loo sameeyo lana nasiyo

5- Waxa la ogaanayaa takhasusaadka kala duwan ee shaqaalaha si qof walba meeshii ku haboon loo geeyo isla markaana ay sahlanaato in shaqaalaha wasaaradaha la isku bedeli karo

6-Qof walba oo shaqaale ahi waxa uu helayaa kaadhka aqoonsiga oo hay’adda shaqaaluhu ay bixisay kaas oo ku xidhan kaydka macluumaadka shaqaalaha (Database)

7-Waxa la isku xidhayaa liiska shaqaalaha dawladda iyo liiska mushaharooyinka ee wasaaradda maaliyadda taasina waxa ay sahlaysaa in la sameeyo nidaam mushahar bixineed (payroll system) hufan

8-Mustaqbalka dhaw waxa fududaanaya in qof walba oo shaqaale dawladeed ah xisaab u gaar ah looga furo bangiga dhexe mushaharkiisuna halkaa ugu dhaco. Taasina waxa ay wax ku kordhinaysaa dhaqdhaqaaqa bangiga dhexe.

9-Waxa la helayaa unug shaqaale ah oo tababaran isla markaana si joogto ah uga shaqeeya kaydka macluumaadka shaqaalaha isla markaana si joogto ah xogtaas uga shaqeeya

10-Waxa ay xoojinaysaa xidhiidhka ka dhexeeya wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo Hay’adda shaqaalaha waxaanay noqonaysaa markii ugu horraysay ee si buuxda hay’adda shaqaaluhu ay ula wareegto hawshii loo igmaday iyada oo wasaaraduhuna ay u gacan bannaanaan doonaan shaqooyinkooda

11-Waxa si hufan loo ogaan karaa sannadkiiba inta shaqo abuur loo sameeyay iyo fursadaha shaqo abuuriseed ee bannaan si loogu buuxiyo ciddii u ehel ah

12-Ogaanshiyaha macluumaadka shaqaalaha dawladdu waxa ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadaha iyo sharciyada lagu maamulo shaqaalaha oo imika sagaal ka mid ahi ay diyaar yihiin

Alle Ayaa Mahadleh

Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland

Sharmaake Axmed Muxumed Gelle