Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashadii Baarlamaanka Jabuuti Oo La Shaaciyey Iyo Codadka Ay Kala Haystaan Xisbiyadu.

Djabouti(GNN):-Natiijooyinka hor dhaca ah ee doorashadii baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Wasiirka cadaalada ahna sii hayaha wasaarada arimaha gudaha ee dawlada Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada hor dhaca ah ee ay kala heleen xisbiyadii ku tartamay doorashadii baarlamaanka ee dalka Jabuuti.

Wasiirka cadaalada Muumin Axmed Sheekh oo ugu horayn ka hadlaya qaabkii ay u dhacday doorashadu ayaa waxa uu yidhi “Doorashadu markan waxay u dhacday si fiican, waxaana ka horeeyey ololihii oo u qabsoomay si nadiif ah iyada oo aan lays caayeyn, xumaan layska sheegayn, aflagaadana aan laysku gaysanin, waxaanan taas

uga mahad celinayaa xisbiyada iyo isbahaysiyada ka qayb galay doorashadii baarlamaanka, marka ay laba reer olole galaana mid ayuunbaa guulaysta.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey natiijada hor dhaca ah waxaanu yidhi “Natiijada hor dhaca ah ee doorashada ka soo baxay waa in xisbiga aqlabiyada madaxtooyada ee UMP uu helay 81%, isbahaysiga mucaaridkuna waxay heleen 18.67%”

Dhinaca kale goobjoogayaashii ka socday urur goboleedka IGAD iyo Jaamacada Carabta oo iyaguna shir jaraa,id ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in codbixinta doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka, waxaanay xuseen inaanay jirin cid cabasho ka soo gudbisay mudadii ay doorashadu socotay.

Guud ahaan shacabka dalka Jabuuti ee u diwaan gashanaa inay ka qayb galaan doorashada baarlamaanka ayey tiradoodu ahayd 132,860 qof, waxaana codeeyey 73,000, iyada oo xisbiyada aqlabiyada madaxtooyada ee UMP ay u codeeyeen 57,383 qof halka isbahaysiga mucaaridkana ay u codeeyeen 130,000.