War Deg-Deg-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyey Dhammaan Shaqaalihii Dhawaan Wasaarada Ka Tirsanaa Ee Warbaahinta Cabashada Ka Gudbiyey.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaaarada warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo ayaa waxaa uu goor dhaweyd uu shaqadii ka joojiyey 24 wariye oo ka hawl gala Wasaarada Warfaafinta Somaliland .

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu shaqaalahan uu mushaharkii ka joojiyey muddo 3 bilood ah isla markaana waxaa uu amray in aaney shaqalahani soo gali karin xayn daabka wasaarada warfaafinta muddo-daas saddexda bilood ah