Daawo Bulshada Deegaanka Lafta Tiinka Ee Gobolka Gabiley Oo Cabasho kala Duwan Udiraya Xukumada Somaliland

Gabiley(GNN)Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Deegaanka Lafta Tiinka Oo Ka Tirsan Degmada Gabiley, Ayaa Cabasho Balaadhan Ka Muujinaya Adeegyada Dhaqan Dhaqaale Oo Aan Si Habsami Ah Usoo Gaadhin Deegaanka,Lafta Tiinka Oo Koonfur Kaga Beegan Magaalada Gabiley Bulshadan Ayaa Baaq Udiraya Wasaarada Beeraha Iyo Haayadaha Caalamiga Ah Ee Maalgaliya Beeraha, Cabashadan Ayaa  La Xidhiidha Doox Wayn Oo Kuso Go,Aya Beeraha, Waxana Mara Dooxa Wayn Ee Garabcad Oo Dhanka Bari Ka Mara Magaalada Gabiley,

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

Bulshadan Ayaa Tilmaamaya Dhibaatooynka Laga Dhaxli Karo Dooxan Hadii Ayna Wasaarada Beerihu Laso Gaadhin Gargaar Deg Dega ,Maadama Uu Jarey Dooxani Beero Caadi Loo Isticmaali JireyLagana Cabsi Qabo Inuu Usoo Gudbi Karo Beeraha La Munaafacaadsado,Sido Kale Waxay Hoosta Ka Xariiqayaan In Ay Jirto Abaar Baahsan Oo Ku Xeeran Deegaanadaasi,Geesta Kalena Waxay Ugu Baaqayaan Xukumada In Deegaanka Laga Yagleelo Xarumo Caafimaad Oo Ay Isticmaalan Dumarka Fooshu Qabato, Bulshada Deeganadan Ayaa Sido Kale Soo Jeedinaya In Loo Hirgaliyo Barkado Ay Biyaha Ku Keydsadaan Si Loo Hakiyo Biyaha Khasaaraya,Waxayna Yidhahden.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(Gabiley.Net)

GABILEY OFFICE