Daawo Maayerka Magaalada Gabiley Oo Ka Qaybgaley Kulan Ciyaareed Magalada Gabiley Ku Dhex Marey Laba Dugsi Hoose

Gabiley(GNN)Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Ka Qaybgaley Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah Oo Ka Qabsoomey Garoonka Mo Farah Ee Magaalada Gabiley Waxana Barnaamijkan Si Wada Jira Ufulisey Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Iyo Haaya.dda Save The Childaren, Iyo Waliba Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska,Barnaamijkan Ayaa Qayb ka Ahaa Hanaanka Lagu Dhiirigalinayo Dhalinyarada Gobolka Si Looga Badbaadiyo Tahriibta Iyo Mukhadaradka,Dugsiyada Shekh Muxumed Warsame Iyo Dusiga New Gabiley, Ayaa Soo Bandhigey Ciyaar Aad Uqiimo Badan,Oo Ay Jecleysten Taageerayasha Garoonka Joogey,

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

Maayerka Magaalada Gabiley Isagoo Fulinaya Qorshaha Xukumada Ee Ah In Dhalinyarada Loo Yagleelo Shaqo Abuur Iyo Hanaanka Ciyaaraha Wuxu Wakhti Siinaya Dhalinta Si Looga Baajiyo Balwadaha Looguna Jiheeyo Shaqooyinka Qaranka Iyo Dhismaha Jidhka, Maaayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Oo Garoonka Mo Farah Kula Hadley Ciyaaryahanada Iyo Guud Ahaan Dhalinta Kaso Qaybgashey Garoonka Wuxu Iftiiminayaa Ajandayaasha Uyaala Dawlada Hoose Wuxuna Ixtiraam Siinaya Dhalinyarada ,Maayerka Ayaa Door Shariifa Oo Muuqda Ka Qaadanaya In Dhalinyarada Loo Alfo Shaqooyin iyo Mustaqbal Wanaagsan, Wuxuna Tilmaamaya In Ayka Go,antahay Ka Maamul Ahaan In Muhiimada Koobaad La Siiyo Dhalinta Fursadana Loogu Abuuro Si Kartidooda Loo Mideeyo,Wuxuna Yidhi,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY NEWS NETWORK(Gabiley.Net)

GABILEY OFFICE