Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ka Socda Dalka Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.
Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.
Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.