Dalka Imaaradka Oo Dagaal Netka Ah Ku Qaaday Ku Qaaday Madaxweynaha Maamulka Somalia.

Dalka Imaaradka Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Ku Qaaday Madaxweynaha Maamulka Somalia, Kuna Tilmaamay Nin Argagixiso Ah Oo Dadkiisa Oo Gaajoonaya Dillaal Lacageed Ka Raadiya Ururrada Bulshada, dadka acyaanta ah ee magaca leh iyo guud ahaan baraha bulshada ee Imaaraadka ayaa si weyn loogu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya
Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in uu yahay nin argagixiso ah oo ay Turkiga iyo Qadar kursiga keensadeen dadka gaajoonaya ee dalkiisana si weyn ugu dul baayacmushtareeya oo lacago kaga qaata dalka Qadar sida ay ku sheegeen dagaalka Internetka ah ee ay ku qaadeen ninkan.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furtay Madaxweynaha Villa Somalia Farmaajo ka dib markii ay dowladdiisu ka hor timid heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ee Horumarinta Dekedda Berbera.

Barta Twitter-ka oo dagaalkan xoogiisu ka socdo ayaa waxaa bilaabay kooxo iskood ay u soo jiidatay xaaladda Dekedda Berbera iyo sida Somalia uga hadashay taasi oo warbaahinta Muqdisho ay ku sheegeen kuwo la soo kiraystay balse aanay xaaladdu sidaa ahayn waxanaay dadkaasi ra’yigooda Twitterka ku qaadaa dhigeen dacaayado xooggan oo ay ku harqiyeen Farmaajo.

Hal-ku-dhegyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido Farmaajo ayaa la abuuray, waxaana lagu sheegay inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macluul ah iyo inuu la safan yahay dalalka Qatar iyo Imaaraada iyadoo adeegsanaya sawirro muujinaya Soomaali macluulsan oo in Farmaajo dayacay lagu sifeynayo taasi oo kicin u muuqata in laga takhaluso Farmaajo oo lagu diro aqalkii marka horeba soo doortay maadaama aanay umadda uu sheegtaa aanay soo dooran,Dagaalkan dhinaca Internetka ah ee Imaaraadku ku qaaday Farmaajo ayaa loo adeegsanayaa luuqadaha Ingiriisiga iyo iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo ay ka mid yihiin Argagixiso.
Dagaalkan Imaaraadku ka bilaabay dhinaca Internetka ayaa u muuqda mid hordhac u ah dagaal diblomaasiyeed oo uu doonayo in uu ku qaado isaga oo saamayn weyn ku leh gudaha dalkaasi Soomaaliya lagana yaabo in uu kula dhex dagaalamo dalalka ay is hayaan ee Qadar Iyo Turkiga maadaama uu isagu dhinaca kale ku jiro is-bahaysiga kale ee Sucuudigu hogaamiyo waxaanay tani waji kale u yeelaysaa xaaladda dalkaasi Soomaaliya oo marka horeba jaha wareersanayd kuna jirtay xaalad fawdo, dagaalo iyo dagaal sokeeye ah.