DAWLADA Turkiga Oo Ka Cadhooday In Laga Wareejiyo Wadahalladii Somaliland iyo Somalia ee Uu Doorka Ku Lahaa.

Dawlada Turkiga ayaa ka xumaatey in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee ay gacanta ku haysaylaga wareejiyo oo loo gacan galiyo dawladda Switzerland , waxaana sidaas wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey warar xog ogaal ah .
Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mr Hakan CuVusogiu oo todobaadkan dhamaadey socdaal ku tagay magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya ayaa kulan uu la yeeshay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxuu u sheegay in dawladdaTurkigu ay ka xumaatey in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya laga wareejiyo oo loo raro dalka Switzerland , waxaana uu intaas raaciyey Mr Hakan CuVusogiu in dawlada Turkigu aaney jeclaysan talaabadaas , isaga oo aad ugu faanay taageerada ay dawlada Turkigu siiso Somaliya .

Waxuuse sheegay in uu hadana taageeraayo wax kasta oo wanaag keenaya kaas oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya .
Sida ay warkan uu helay Wargeyska Geeska Africa sheegeen madaxweyne Farmaajo ayaa isku difaacay inaan in Turkigu wada hadalka laga bedelo aaney ka imanin dhinaca dawladooda balse ay tahay mid ka timid dhinaca madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in uu diiday in uu Turkigu sii wado Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .

Mar Farmaajo ayaa intaas sii raaciyey inuu ogyahay waxuu ugu yeedhay ” Abaalka Turkiga ” isla markaana uu ugu mahad celinaayo lakiin uu sheegay in uu go,aansadey in uu aqbalo soo jeedinta dawlada Somaliland oo aheyd in wada hadalada laga wareejiyo dawlada Turkiga .
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa isla qaatey in daba yaaqada bishan March ay kulan ku yeeshan dalka Jabuuti kadib na ay wada hadaladu ay si rasmi ah uga furmaan dalka Switzerland , waxaana labada madaxweyne ay wada hadaladii ka soo wareejiyeen dalka Turkiga oo isagu marti galin jiray
Source:- Geeska