Deegaannada Soomaalida kee baa ugu liita matalaadda siyaasadda ee dumarka?

Markii ugu horreysay, BBC Somali waxay marti galinaysaa doodo ku saabsan dumarka guud ahaan gobolka, taasi oo lagu soo beegay isbuucan oo la xusayo maalinta caalamiga ah ee dumarka.

Warbixintan waxaan si gaar ah ugu eegeynaa dumarka Soomaalida ee gobolka geeska Afrika iyo matalaadda ay ku leeyihiin siyaasadda.

Soomaalida waxay ka mid tahay bulshooyinka aysan dumarku ka helin fursado badan siiba dhinaca siyaasadda, balse sanadiihii ugu dambeeyey, waxaa sare u sii kacayay ololaha lagu doonayo in arrintaasi wax looga badalo.

Ololahan waxaa hormuud ka ah koox haween ah, kuwaasoo ku adkeysanayey in ka qeyb noqoshada dumarka fagaarayaasha go’aan gaarista ee siyaasadda ay tahay xuquuq aasaasi ah.

2. Jamhuuriyadda Somaliland

bbc
bbb

3. Dolwad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Waa mid ka mid ah meelaha ay mataaladda ugu fiican ku leeyihiin dumarka Soomaalida, halkaas oo 26% xubnaha loo doortay inay ka mid nqodaan baarlamaanka dowladda fadaraalka ay dumar yihiin.

“Waan ku faraxsanahay kaalinta dowladd deegaanka ay dumarka siisay, gabdhaha hadii siyaasadda laga qeyb galiyo meeshaasi waxaa ka dhalan nabad iyo hormar waxayna ka dhigan tahay bulshadii oo laf dhabarteedii la toosiyay, waxaan u mahadcelinayaa xisbiga dowladd deegaanka Itoobiyo oo xasuustay dumarka waxaana Soomaali weyn dhan kula tallinayaa in taasi tu la mid ah ay sameyaan”., ayay tiri xildhibaanad Nasro Xassan Axmed

BBC
Presentational grey line

Source BBC