Diwaan-Galinta Shaqaalaha Dawlada Oo Markii Ugu Horaysa Laga Bilaabay Magaalada Buuhoodleh.

Hargeisa(GNN):-Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda Ayaa markii ugu horaysay Buuhoodle ka bilaabantay Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey hayโ€™adda shaqaalaha dawladdu ku hawlanayd tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawlada somaliland oo Hogaaminaya Kooxdan Diwaan-Galinta Shaqaalaha wadda ayaa maanta gaadhay magaalada buuhoodleh taas oo iyaddana ka bilaabeen tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawlada somaliland.

waxaa maanta si rasmi ah ay uga bilaabeen degmada Buuhoodle Haddaba, hawshan oo si xawaare, xikmad iyo dedaal badan ka muuqdo uga socotay dalka ayaa waxa xasuus mudan in ay xuduud walba hayโ€™adda shaqaalaha dawladdu markii ugu horaysay wada gaadhay.

Sidoo kaleย shaqadan ayaa ka bilaabmtay Buuhoodle kadib markii hawladeenada hayโ€™adda shaqaalaha dawladu mudooyinkii ugu dambeeyey hawsha ka wadeen deegaamada Oodweyne, Xaaji Saalax, Duruqsi, Dhoqoshay, Balli-dhiig, Qoryaale iyo Qurulud Intii shaqadu ka socotay deegaanka Buuhoodle.

ย waxaa muuqanaysay shaqaalaha dawladda oo si dareen dalnimo ku dheehan tahay isku diiwaan-gelinaya sidoo kalena haayโ€™adda ku boogadiyey in ay masaafo fog uga soo socdaaleen si xogtooda rasmiga ah loo diiwaangeliyo.

Arintan ayaa imanaysa xili hayโ€™adda shaqaalaha dawladdu dedaal adag ku bixisay in ay guud ahaan-ba dalka wada gaadho sidoo kalena tacab badan geliyeen in la helo shaqaale tirsan si loo tayeeyo,waxaana ay maanta diwaan-galinta shaqaalahu ka bilaabmatay magaalada buuhoodleh.

 

 

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992