Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Jaamacadda Carabtu Ku Gacan Saydhay Soo Jeedintii Dawlada Somaliya.

Daawo-Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Jaamacadda Carabtu Ku Gacan Saydhay Soo Jeedintii Dawlada Somaliya.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Jaamacada Carabtu ay daaqada ka tuurtay soo jeedintii Somaliya, isla markaasna qodobadii ay soo saareen lagu seexinaayay dawlada taagta daran ee Muqdisho.

Faysal Cali Waraabe ayaa shacbiga Somaliland ku canaantay in aanay ahayn in ay Somaliya 27 sanadood kadib isla sidii dusha inooga sheegato waxaanu soo jeediyay in dalka ay la gudboontahay in da’daal xoogan la muujiyo.


Waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka hadlay goob Hargeysa gudaheeda ah oo laga helay xabaal wadareedyo ay dawladii Somaliya dad shacab ah isla goob kaliyaata ku wada aastay, waxaana isaga oo ka hadlaayay

go’aanka Jaamacada Carabta ugu horayntii uu yidhi”Qaraarka ka soo baxay jaamacada carabtu waxa uu ahaa maaweelo oo qoladan  lagu maaweelinayaa Somaliyada dawlada ismoodaysa, heshiiskii ay geeyeen ee Berbera ee saddexda dal daaqada ayaa laga tuuray, kii yaraa ee reer Garoowe ee meesha ka qaylinaayayna waa laga saari gaadhay shirka, waxa ay idaacadahoodu ka hadlayaan haw dheg taagina.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayay xabaal wadareedyada Hargeysa laga helay waxa uu yidhi”waxa la helay 243 xabaal wadareed ilaa Ceerigaabo, Jasiirana ku dara markaas ilaa hadda inta aynu garanaynaa waa 244 xabaal wadareed, madaxweynaha Somaliya ee leh dawlad ayaanu nahay xisaabiye ayuu markaas ka ahaa safaarada Washington ee Somaliya oo reer ahaan lagu geeyay, taas oo beeninaysay xasuuqa, Khayrena waxa uu ahaa qoladii Siyaad ugu sheekayn jiray faynalkii ciyaaruhu waxa uu ka socdaa Hargeysa, markaas taariikhdaba ma hayaan, inay meeshaas ka hadlaan inaga ayaa is dhignay, 27 sanadood ayaynu jirnay oo inay kuwaasi inagu qaan gaadhaanba may ahayn, waa tamar darnaanteena oo haddii aynaan maanta dad noqon oo aynaan midoobin oo aynaan godobteenii dabagalin oo aynaan qabyaaladan qudhunka ah danteena ka horaysiin riyadooda ayaa dhab noqon doonta.”