Haay’adda Shaqaalaha Oo Toddoba Cisho Ku Soo Afmeertay Diwaan-Galintii Shaqaalaha Gobolka Awdal.

Hargeisa(GNN):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo si Xawli iyo Xirfad badan 7-Casho ugu soo dhamaysay Diiwaaan-gelinta Shaqaalaha Gobolka Awdal Waxay ahayd maalintii Isniintii 5/03/2018 kadib markii hawl-wadeenada hay’adda shaqaalaha dawladdu diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ka bilaabeen xarunta gobolka Awdal ee Borama.

halkaas oo si rasmi ah loogu daah-furay Haddaba, mudo laga joogo 7-casho oo keliya ayaa waxaa soo dhamaaday diiwaan-gelinta baddi deegaamada uu ka samaysan yahay gobolka Awdal iyadoona maalinta berri ah oo Isniin ah lasoo gaba-gabayn doonno Deegaamada la diiwaangeliyey ilaa imika ayaa ah ka sakow shaqaalaha xarumaha dawladda ku sugan; Borama, Lawyacado, Zaylac, Baki, Qulujeed, Boon

iyo Xariirad,halkaas oo maalinta berri ahna lasoo dhamaystiri doonno deegaamada Garbo-dadar, Geerisa iyo Lughaya.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa qoraal uu arintaa soo saaray sidoo kale ku sheegay in maalinta ku xigta oo Salaasa ah ay shaqada diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ka bilaabi doonnaan gobolka Saaxil caasimadiisa Berbera halkaasna maalmo kooban ay ku dhamayn doonnaan iyadoona markaa loo gudbi doonnno gobolada barriga dalka.

Haddaba, qoraal uu soo saaray gudomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa u dhignaa sidan: Borama, Lawyacado, Zaylac, Baki, Qulujeed, Boon, Xariirad oo si wanaagsan loo diiwaangeliyey iyo berri oo lagu soo dhamaystiri doonno Garbo-dadar, Geerisa iyo Lughaya.

Waxaa si xawli iyo xirfad badan dhammaad ugu dhaw dhamaystirka deegaamada guud ahaan gobolka Awdal halkaas oo muddo 7-cisho ah kooxo kala duwan ku soo dhamaystireen baddi shaqaalihii dawladda ee ku sugnaa gobolka Awdal. 

Waxaa iyadna berito oo Isniin ah la-diiwaangelin doonnaa shaqaalaha dawladda ee ku sugan deegaamada Garbo-dadar, Geerisa iyo Lughaya waxaana halkaa ku dhamaan doonna diiwaangelinta shaqaalaha gobolka Awdal – Insha Allah waxaa qorshaysan in maalinta ku xigta oo Salaasada ahna laga daahfuro gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera. – Illaahay fadligii qorshe walba sidii loogu tallo-galay ayuu u socdaa waxaanan si niyad furan ugu mahadcelinayaa masuuliyiinta dawladda , shacabka iyo shaqaalaha ku suggan deegaamada kala duwan ee sida kal furnaanta leh u soo dhaweeyey hawl-wadeenada shaqadan raandhiska leh qabanaya. 

Shaqaalaha Dawladda Somaliland Illaahay fadligii waxaa u suurogalaysa in ay bar bilow u yeelan doonnaan xog sugan , xisaab cad iyo la xisaabtan furan. 

Sidoo kale waxaan soo ogaanay deegaan walba iyo baahida shaqaale ee ka jirta iyo dhibaatooyinka adeeg ee mudan in dawladu si gaar ah uga jawaab celin doonto. – Ceelaalyada xaqiiq raadiska ah ayaa dhawaan ku soo fool leh gobolada barri ee dalka…