Halgankii iyo Halgamaagii. Hal-adayga badnaa Muj.Col.C/raxmaan Maxamed Case iyo Maalmo xusuus mudan

Maanta waxan jeclaystay inaan idinla wadaago mid kamid
ah.halgamayashii naftooda iyo wakhtigooda u huray Somaliland. Waa
Mujaahid. Kornayl.Cabdiraxmaan Maxamed Case. waa mid kamid ah
geesiyadii ay ku dhaadan jirtay jabhadii xaqu-dirirka ee SNM. waa
mujihaad ku caan baxay geesinimo,hal-adayg iyo hogaan dagaal. Waa
taliyhii qaybtii 1aad ee SNM oo kamid ahayd qaybihii ugu xoganaa SNM.
Waa Taliye ku/xigeen-kii Ciidamadii SNM ee weererka kula baxay,
11-maxbuus oo ku jiray xabsigii ugu adkaa uguna weynaa waqooyiga,
markii tirsiga tariikhdu ahaa 3-1-1983-kii. bal ila dhugo sidii wax u
dhaceen iyo kaalintii uu mujaahidku ku lahaa dagalkaas.
Waa ciidamdii ugu horeeyay ee SNM. ee intay xuduuda kasoo talabeen ku
dhex-dagalamay gudaha dalka. ee waliba xooga ku qabsaday xabsiga wayn
ee mandheera.
SNM waxay diyaarisay 25-12-1982-dii Ciidamo naftood hurayaal ah, oo ay
ugu talo-gashay inay gudaha u galaan Xabsiga Wayn ee Mandheera
.ciidamadaas waxa loogu talo galay inay xabsigii mandheera kala
baxaan, 11-xubnood oo ku jiray xabsiga .oo kamid ahaa odayashii iyo
waxgaradkii uu rajiimkii siyaad barre u xidhay inay tageraan jabhadii
SNM.waxa kale oo xabsiga ku jiray dhalinayro laga soo xidhay
dhagax-tuurkii Uffo ee hargaysa. oo ka kobnaa ilaa 7-xubnood oo lagu
xukumay dil toogasho ah. dhalinyaradaas oo wakhtigii la toogan lahaa
ay taag-nayd ayay kusoo beegmeen nasiib wanaag. waxayna kamid ahayeen
dadkii maalinta SNM kala baxday xabsiga mandheera.waxa kale oo xabsiga
laga sii daayay ilaa 700- oo maxbuus. oo qaar kamid ahi ay xabsi
daa’iim iyo dil ku xukunayeen.
Ciidamada waxa hogaaminayay labo taliye oo kala ahaa Muj.Maxamed Xashi
Lixle iyo Col.Cabdiraxmaan Maxamed Case. taliyaha ciidmadu Mujaahid
Lixle ayuu ahaa taliye ku/igeenkuna muj.Cabdiraxman M Case ayuu ahaa.
qaybta sahanka waxa u qaabilsana Duuliye/sare Maxamed Maxamuud Xayd.
25/12/1982-kii ayay SNM sakootiyeen saxIibadood oo geeri iyo nolol aan
la malayn karin midka ay noqon donaan(geeri iyo nolol) .waxa sii
gunaanaday oo sakootiyay. saadka iyo saanada milatry usoo dhamaystiray
muj.Maxamed Kaahin oo ahaa taliyihihii ciidanka ee qaybta bari ee SNM.
iyo ku xigeenkisii Cali hayaan AHUN.waxay ahayd habeen Axad
ah.25/12/1982-kii .codsiga ciidanka lagu soo habeeyay waxa lahaa muj.
Lixle
Maalmo badan oo sahan ahaa kadib. waxay qaadatay 7-cisho.weerarku waxa
uu bilaabmay 2;30. maalin isniin ah 3-1-1983-dii. tirada ciidamada SNM
waxay ahayeen ilaa 41-mujaahid .ciidamadu waxa isu qaybiyeen labo
qaybood. qayb weeraraysa dugsiga tababarada oo tiradoodu dhamayd 32-
mujaahid. waxa taliye u ahaa Muj. C/raxman M Case. waxaa ku
wehelinayay Sarkaal sare,C/xakiim Maxamed Aadan .qaybta jeelka
weerar-tayna waxay ahayeen 9-xubnood oo u taliye u yahay muj. Maxamed
Xaashi lixle.Waxa ku jiray duuliye sare maxamed maxmuud xayd.
Mar mujaahid Xayd iyo Col.C/raxmaan maxamed case ay qoraal ka qoreen
hubkii ay siteen maalintaas waxa uu ahaa sidan. “qori AK/47 ah(boobaha
culus).4-bomb gacmeed. iyo qoriga baasuke ah”.iyo hubka fudud”
weerarku si kadis ah ayuu ku bilaabmay dagaalku waxa uu socday ilaa
20-daqiiqo.
Markii dagaalku socday cabaar. ciidamadii tirada badnaa ee dugsiga
tababrka joogay way khlakhaleen oo isku dhex-yaceen. waxay noqdeen
kuwo baxsaday iyo kuwo dhuunta ama is-dhiiba, tirada ciidamada dugsiga
tababrka joogay ee faqashtu waxay ahayeen 72-askari. halka kuwa
ilaalada jeelku ka ahyeen 14-askari.waxa dhintay labo askari oo ka
tirsanaa ciidamada faqashta iyo tiro dhawac ah oo kale.SNM-ta waxa ka
dhawcmay labo mujaahid oo kala ah Jamac Qarash iyo Cabdi Yusuf
Fandhiye oo dhawac fudud noqday.sidaa ayuu ku guulaystay duulankii ay
hogaminayeen Lixle iyo C/raxmaan M Case.waana maalin kamid ah maalmaha
ku xardhan maalmihii guusha ee SNM iyo umada reer somaliland.malaha
waa is iloobaye’ aan usoo laabto dagaal-ruugi iyo halgamaagii
Col.C/ramanan.Maxamed Case iyo maalmihisii kale. oo aan hal qoraal iyo
wax lamid ah lagaga bogan karin lkn waa dhibic kamid ah tariikhdii
halgankiisa ee Col..Muj.C/raxman M Case”
Aan usoo laabto maalmihii kale ee mujaahidka aynu rabno inaynu xusno.
Muj.C/raxman Maxamed Case.waa maalin kale oo xusuus mudan iyo 1988-kii
C/raxmaan M Case waxa uu noqday taliyihii guud ee Qaybta 1aad. oo ahaa
ciidamadii ugu awooda badnaa SNM. dagaal faraha lagaga gubtay ayaa
dhexmaray iyaga iyo ciidamada dawlada. badhtamihii bishii
Oct-1988-kii. waxaana weerar kusoo qaaday ciidamdii faqashta, iyagoo
qaybta kowaad ee uu taliyaha u ahaa Col.C/raxmaan Maxmed Case
hagaaminayay ka war heshay. waxaa labad ciidan iskaga horyimadeen.
meel u dhaxaysa tuulooyinka beer iyo gumbur libaax.halkaas ayay labada
ciidan fooda isku dareen, waxa dhexmaray dagaal faraha lagaga gubtay
oo tariikhda SNM ku xardhan..waxaa tarax-beelay dhimasho iyo dhawaac
labada dhinacba.taliyhii qaybta kowaad C/raxmaan Maxamed Case si xun
ayuu maalintaas u dhawacmay.gacan ilaa garbka iyo cududa ayaa si xun u
burburay oo dhawaac culus ayaa gaadhay.darawalkiisuna wuu ku dhinatay
oo ahaa. mujaaahid oo la odhan jiray basbaas(AHUN)
Waa maalmo kooban oo kamid ah maalmihii mujaahidkii waynaa ee
Col.muj.C/raxmaan Maxamed Case .waa dhibic kamid ah tariikhdii halgan
ee halgamaagii Hal-adayga badnaa.
Tariikhadan aniga ayaa soo uruuriyay waxanan kasoo dheegtay. meelo
kala duwan.gaar ahaan waxan kasoo dheegtay mujaahid xayd oo ka hadlay
iyo Col.c/raxmaan maxamed case.sidoo kale waxa qaybo kamid ah aan
kasoo waariday waraysi laga qaaday muj.c/xakiim maxamed aadan waraysi
ay idacada radio hargaysa ka qaaday intaanu dhiman 1995-kii (AHUN)
Dagaalkii Ulasan wuxuu kamid ah dagaaladii uu mujaahidku wacdaraha ka
muujiyay.waa dagaal faqshta lagu weeraray oo jidgooyo lagu sameeyay
iyagoo soo bilili-qaystay magalada Burco.waxayna noqdeen wa la dilay
iyo wax dhaawcma iyo qaar baxsada.
Alaah mahad-leh
Waa qalinkii. Mustafe Axmed Maxamed Geedi