MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO XIL CUSUB U MAGACAABEY DANJIRE CAWIL

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa danjire Xussen Cali Ducaale ( Cawil ) u magacaabey la taliyaha madaxweynaha ee wada hadlada Somaliland iyo Soomaaliya.
In Kasta oo aanu jirin war rasmi ah oo lagu cadeeyey wareegtada magacaabista ee madaxweynaha haddana warar uu Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Biixi uu danjire Cawil u magacaabay in uu noqdo la talyihiisa gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Wareegtadan ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili uu khilaaf xun ka kala dhex dhashay Somaliland iyo Somaliya, kaas oo ka dhashay heshiis saddex geesood ah oo dhawaan dalka UAE ku dhex maray Somaliland ,Shirkada Dp World iyo dalka Itoobbiya kaas oo ku saabsan dekada Berbera.
Khilaafkaas ayaa sababay in dawlada Somaliland ay ku dhawaaqdo in wada hadaladii bishan loo balan sanaa ee dalka Somaliya ay hakisay , muddo bil ah.
Danjire Cawil ayaa mudooyinkii u danbeeyey socdaalo la moodo in ay la xidhiidhaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku maraayey dalalka gobalka Geeska Africa gaar ahaan Jabuuti iyo Kenya.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa hore Danjire Cawil ugu magacaabey in uu noqdo la talyihiisa gaarka ah ee arimaha aqoonsi raadiska.
Wareegto madaxweyne oo aan iyadana saxaafada loo gudbin ayaa iyana la sheegay in madaxweynuhu uu Marwo Ifraax Cismaan u magacaabey inay noqoto madaxa horumarinta mashaariicda gaar ahaan mashruuca Dp World.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika.