Shirkadda Telesom oo Macaamiisheeda ku war-gelisay in adeega isku bedelka lacagaha ZAAD-ku joogsan doono 27 March.

“Shirkadda Telesom waxay diyaar u tahay markasta curinta adeeg kasta oo fududaynaya kor u qaadista isticmaalka Shilling-ka Somaliland” Warsaxaafaddeed

madaxa xidhiidhka iyo horumarinta Bulshada ee Shirkadda Telesom oo hadlay

Hargeysa(GNN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, ayaa go’aan cusub ka soo saartay isticmaalka adeegga Telefoonada lacagta laysugu diro ee ZAAD, kaasoo Shirkaddu iyadoo fulinaysa go’aankii dawladda ay joojisay lacagihii yar yaraa ee Dollar-ka ahaa ee laysugu diri jiray Telefoonada.

Shirkadda Telesom waxa ay mar kale joojisay adeeg wakhti kooban ay macaamiisha ugu talo-gashay inay kaga guuraan nidaamkii hore, kaasoo ahaa mid qofku Kaadhkiisa isugu sarifayo lacagta Dollar-ka, isagoo ku bedelinaya Shillin Somaliland.

Sidaasina waxa lagu sheegay Warsaxaafaddeed maanta oo ay Taariikhdu tahay 26 March ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Bulshada ee Shirkadda, kuna saxeexan yahay madaxa qaybta xidhiidhka iyo Bulshada horumarinta ee Shirkadda Cabdiwahaab Maax Maxamuud.

Warsaxaafaddeedkaasoo nuqul kamida Gobanimonews heshay, ayaa u dhignaa sidan:

War-Saxaafadeed

  1. Shirkadda Telesom iyadoo tixraacaysa war-saxaafadeedkii Baanka dhexe ee Somaliland, ee ku taariikheysnaa 22/03/2018, waxay macaamiisheeda sharafta leh ee markasta garab taagan ku wargelinaysaa in adeega isku bedalka lacagaha ee (886) uu joogsan doono caawa oo taariikdhu tahay 27/03/2018 saqda dhexe 12:00Am insha allaah.

2.Sida ku cadayd war-saxaafadeedka Baanka dhexe ee kor ku xusan, shirkadda Telesom waxay macaamiisheeda ogeysiinaysaa inay ka heli karaan adeega isku bedalka lacagaha Sariflayaasha ka ganacsada sarifka lacagaha, kuwaas oo si fudud ugu badali doona dhamaan macaamiisha meel kasta oo dalka kaga suganyihiin.

3.Shirkadda Telesom waxay diyaar u tahay markasta curinta adeeg kasta oo fududaynaya kor u qaadista isticmaalka Shilling-ka Somaliland sidii uu ahaa go’aankii Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan hoose ka DAAWO:

Wabilaahi Tawfiiq

Cabdiwahab Maax Maxamuud

Agaasimaha Waaxda Xidiidhka iyo Horumarinta Bulshada