Taageer Qarankaaga Jamhuuriyadda Somaliland

Dear respected committees members,

Asalaama Alaikum,

On behalf of the Chairman of Somaliland Diaspora Agency, Mr. Abdi Abdullahi Hersi, I would like to share and officially submit this important message to all Somaliland Diaspora communities committees, activists, lobbyists, and ambassadors of Somaliland as well.

As you all aware Somalia Federal Government and Its Parliament protested against the Somaliland’s historic agreement on mega economic investment project with DP World and the bilateral relationship with UAE. They expressed their aggressions against the self-determination and development of Somalilanders.

Therefore, we Somalilanders wherever we live, we must stand against this kind of aggression and atrocity, and support the legitimacy and the right we have to determine our future, struggle to reduce the high poverty levels, as well as the high unemployment rates, make economic growth, and infrastructure development. The President of Somaliland explained Somalia’s attempts as a declare of war against Somaliland.

Let us not forget what Somaliland has single-handedly and with very little external aid accomplished over the years, it is deeply impressive while Somalia has remained mired in chaos and bloodshed despite every vast assistance and foreign aid provided to them by the international community. The Republic of Somaliland has built a strong peaceful foundation of democratic government grounded and vital for human rights more than decades.

The Somaliland Diaspora Agency at the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland is kindly informing and advising the esteemed Somaliland Diaspora committees and the Somalilanders in the Diaspora in general to patriotically react against this aggression by conducting protests, writing petitions to constituency MPs, all the influential Somaliland friends, making more media exposure through the local media groups such as local newspapers, radios, TVs, and also social media pages, engaging international communities as well.

  

KU: Dhammaan Guddiyada Jaallyadaha iyo Qurbajoogga Somaliland guud ahaan

UJEEDDO:  Taageeridda Heshiiska Maalgashiga Dalka JSL

Heshiiska maalgashi ee Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Shirkadda Caalamiga ah DP World ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Waa heshiis taariikhi ah oo faaiidooyin togan oo la taabn karayo u leh qaranka JSL, dhincyada horumarka dhaqaale, shaqo abuurka dhalinyarada, dhismaha kaabayayaasha dhaxalgalka ah, iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana ka turjumaya aaya-ka-tashiga umadda Somaliland, madaxbanaanida iyo taabba-galka dawladnimo, nabadgelyada, iyo jiritaanka fursadaha maalgashiga habboon.

Jamhuuriyadda Somaliland, dawlad iyo shacab, qaran joog iyo qurbajoog waxa aan u tafa xaydannahay oo aan ka shaqaynayaa sidii aan u gaadhi lahayn horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba oo aan uga bixi lahayn faqriga heerka sarreeya ee inka badan kala badh dadkeennu ku jiraan, iyo shaqo la’aanta baahsan. Heshiiska Maalgashi ee Somaliland iyo Imaaraadku waa waxqabad lagu diirsado oo waxka taraya inaan xaqiijinno ujeedooyinkeenna  iyadoo aan aamminsanahay mabaadii’da qarankeenna ee nabad ku wada noolaanshaha, horumar iyo barwaaqo ka wada sugnaata wadamada gobolka, qaramada Afrika iyo caalamkaba.

Haseyeeshee, cidkasta oo ka gubata wixii aan horumar ku tallaabsanno waa nacab ku xaasidaya iyo cadaw badheedhsan oo weerar ku ah inaad xaq u leedahay masiirkaaga iyo inaad noolaato, waxanu kaa mudan yahay inaad u diyaar garawdo oo ficilkastaba aad ka gaashaamato waxyeeladiisa.

 Sidaa darteed, Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ku baraarujinaysaa dhammaan gudiyada sharafta leh ee jaalliyadaha, aqoonyahanka qurbajoogga, iyo guud ahaan jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay u muujiyaan taageero buuxda dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland iyo heshiiskan maalgashi ee taariikhiga ah ee Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen.

Waxa aannu ku boorrinaynaa dhamman gudiyada, mutadawaciinta firfircoon ee had iyo goor usoo jeeda ilaalinta iyo difaaca qaranimadooda, iyo jaalliyadaha qurbajoogga guud ahaan

·        in la codsado oo laga abaabulo bannanbaxyo taageero ah wadamada aad joogtaan;

·        in loo qoro waraaqo (Petitions) xildhibaanada deegaanka iyo baarlamaanka ee qurbajooggu waxka doorteen (Constitutents), xisbiyada;

·        in wax lagu qoro laamaha warbaahineed ee dalalkaas (Receiving countries);

Allaa Mahad Leh

 Hassan Ahmed Yusuf

Executive Director of Somaliland Diaspora Agency &

Secretary of Somaliland National Recognition Committee

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of Somaliland

Hargeisa, Republic of Somaliland

Tel: +252 63 4081527

www.slforeign.com

www.sldiaspora.org

 

Exit mobile version