Hawlgalka Xawaaraha Ku Socda Ee Diwaangelinta Shaqaalaha Dawladda S/Land Oo Gebo Gebo Ku Dhaw + Guddoomiye Sharmarke Geelle Iclaamiyey Gobolkii U Dambeeyey Oo Ay Gacanta Ku Hayaan

Sool(GNN):-Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo labadii Bilood ee u dambeeyey guud ahaan Gayiga Goboladda Somaliland, si xawaare iyo dedaal dheeri ah ka muuqdo uga waday diwaangelinta madaxtaabashadda iyo tirinta ee shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa iclaamiyey in meel gebo gebo ah ay marayso soo afmeerida hawlgalkaasina ay ku sii dhaw yihiin hay’addooda gacanta ku haysay mashruucan qaranka Somaliland ahmiyadda ugu fadhiya.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha iyo hawl wadeenada kale ee Hay’adda shaqaalaha oo 2-dii todobaad ee u dambeeyey iskaga gooshaayey goboladda SOOL iyo Sanaag oo hawlgalka Madax taabashadda iyo diwaangelinta shaqaalaha dawladda ay halka ka wadeen, ayaa ka dhawaajiyey inay hawshii diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ay dalka ka wadeen gebo gebo ku dhawdahay isla markaana  gobolkii u dambeeyey ay hada dhamaystirkiisa sidii loo diwaangelinlahaa shaqaalaha halka ku sugan si xawli iyo xawaare ah ku wadaan, , waxaana qoraalka uu halka wax u marayaan kaga hadlay guddoomiye sharmarke u dhigan yahay sidan.

– Illaahay Fadligii waxaa dhanka kale dhammaad ku dhaw diiwaangelinta Deegaamada Gobolka Sool iyo Saraar halkaas oo koox diyaarsan si dedaal le ugu shaqaynayeen Xarumaha Laascanood iyo Caynaba.

– Shaqaalaha dawladda ayaa si niyad-sami iyo rejo badan ka muuqato u soo gaadhayey xarumaha diiwaangelinta iyaga oo bixinayey xog iyo xaqiiq inta ay hayaan.

– Waxaa dhawaan dhammaad ku dhaw hawl-qabadkii mudooyinkan soo taxnaa.