Dacwad ka dhan ah masuuliyiinta Wargayska Hubsad oo beri fadhigeedu ka bilaabmayo maxkamadda sare iyo dareenada ku xeeran.

Dacwada loo haysto masuuliyiinta wargayska madaxa banaan ee Hubsad ayaa maalinta beri ee Arbacada ah ka furmaysa maxkamada sare ee somaliland, dacwadan ayaa waxa ay salka ku haysaa arin siyaasadeed oo ay wargayska shaqada uga jooojisay xukuumadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ka dib markii uu wargaysku baahiyey warar ku luglahaa musuqmaasuq iyo boobkii hantida ee ay xukuumadaasi ku kacday mudadii ay talada dalka haysay, dacwada wargayska madaxa banaan ee Hubsad ayaa ka bilaabantay maxkamada degmada Hargaysa sanadkii 2015 iyadoo wargayska lagu eedeeyey laba qodob oo kala ahaa ruqsad laaan iyo warar been abuura arintaas oo ay maxkamada gobolka maroodijeex iyo ta racfaankuba ku waayeen masuuliyiinta wargayska Hubsad gudoomiye Cabdirashiid Nuur Wacays iyotifatiraha guud ee wargayskaas Siciid Khadar Cabdilaahi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in kiiska loo haysto wargayskooda uu yahay mid siyaasadeed oo ay xukuumadii hore ee Axmed siilaanyo ku xidhay wargayska hasa yeeshee wakhti xaadirkan ay shegeen in ay ku kalsoonyihiin maxkamada sare oo ay ka filayaan cadaalad .

dacwada wargayska madaxa banaan ee Hubsad ayaa soo martay marxalado kala duwan oo ilaa heer maxkamad gobol ah  ayaa isha lagu hayaa kama dambays waxa ay ku xukunto maxkamada sare ee qaranku iyada oo uu gudoomiyaha maxkamada sare marar badan ku celceliyey in ay warbaahintu ka helidoonaan cadaalad maxkamada sare waxa beryihii u danbeeyey soo noqnoqonaysay warsaxaafadeedo lagu cambaaraynayo xadhiga wargayska madaxa banaan ee Hubsad iyda oo ay hayado caalami ah oo daneeya madaxbanaanida warbaahinta madaxa banaan ay ugu baaqeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo hasa yeeshee ay marwalba iska indhatiraysay, hadaba xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa laga dhursugayaa siyaasada ay ka cayaarto xabisaada iyo cabudhinta saxaafada inkasta oo ay warbaahinta madaxa banaani ku diirsatay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta somaliland Maxamed Muuse Abees oo ku goodiyey in aanay dib u dhicidoonin in la iska xidho saxaafada madaxa banaaan.