Baaq ay soo saareen Ururrada Bulshada Rayidka ahi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SANSAF Md. Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa xukuumadda iyo bahda garsoorkaba ugu baaqay in si degdeg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim oo toddobaadkii hore Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay xadhig dhan muddo saddex sanadood ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay dalladda SONSAF oo ah baaqan ayaa waxa dalladda SONSAF ku tidhi:
“Baaqa Ururrada Bulshada Ee Xadhiga Naciima Axmed Ibraahim
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay kulamo is-daba joog ah ka yeesheen xukunka ku dhacay Naciima Axmed Ibraahim (Naciima Abwaan Qorane) oo 15-kii Bisha April ay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah.
Ururrada Bulshadu waxay si toos ah ugu booqdeen Xabsiga Gabiley Naciima si ay u soo Xaqiijiyaan Tacadiyada iyo Jidh-dilka ay ka sheegatay Maxkamadda Horteeda, ee ay qareenadeeduna dalbadeen in la baadho sida ku cad qoraalka ku taariikhaysan 10/04/2018 maxkamadduna heshay 15/04/2018.
Naciima waxay Ururrada Bulshada Rayidka ah u xaqiijisay in loo gaystay tacadiyo si la mid ah sida ay qareenadeedu sheegeen.
Ururrada Bulshada Rayidka ahi waxay si adag u cambaaraynayaan xadhiga loo gaystay Naciima waxaanay codsanayaan in xorriyadeeda loo soo celiyo, laguna sameeyo baadhitaan madax bannaan tacadiyada ay sheeganayso Naciima.
Ururrada Bulshada Rayidka ahi waxay ka codsanayaan Madaxweynaha JSL in si degdeg ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Naciima Axmed Ibraahim iyo Maxamed Kayse oo isaguna 16/04/2018 Maxkamadda Gobolku ku xukuntay xadhig 18 bilood ah.
Ugu dambayntii, Ururrada Bulshada rayidku waxay ku baraarujinayaan hay’adaha sharci fulinta iyo garsoorkaba in ay dhawraan xorriyadaha aasaasiga ah ee Dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta”
Allaa Mahad Leh
Mustafe Sacad Dhimbiil
Guddoomiyaha SONSAF