Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Dib U Eegis Ku Samaynayso Talladeeda Socdaal Ee Somaliland

Dawladda Ingiriiska ayaa 26kii April 2018 jawaab qoraal ah ka bixisay su’aalo laga weydiiyey mucaawinadda ay siiso Somaliland iyo go’aanka ay ka qaadanayso talladda socdaal ee muwaadiinteeda booqda Soomaaliya.

Dawladda Ingiriiska ayaa ka soo jawaabtay su’aalo uu weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo ah xildhibaan laga soo doorto koonfurta Cardiff, una ololeeya qaddiyadda aqoonsi-raadis ee Somaliland.

“Tallada Socdaal ee Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-sooranku waa mid cad oo ah in Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho aanay qaban addeegyada qunsuliyeed ee Soomaaliya, oo ay Hargeysina ku jirto. Laakiin go’aankan waa mid aan dib-u-eegid ku samaynayno,” ayey  ku sheegtay qoraal jawaab ah oo ay bixisay Harriett Baldwin, Xoghayaha  Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-Sooranka Ingiriisku.

Dawladda Ingiriiska ayaa tan iyo horraantii Jeeniwari 2018 wax isbedel ah ku samayn talladeeda socdaal ee ay u jeediso muwaadiinteeda booqda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa looga digey in aanay u socdaalin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo la booqan karo marka ay jiraan safaro muhiim ahi.

Stephen Doughty oo ah xildhibaan laga soo doorto koonfurta Cardiff, unna ololeeya qaddiyadda aqoonsi-raadis ee Somaliland ayaa mar kale weydiiyey taageeradda dhaqaale ee Dawladda Ingiriisku u fidisay Somaliland saddexdii sanno ee ugu danbeeyey. Xoghayaha  Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-Sooranka Ingiriisku, Harriett Baldwin, waxa ay ku jawaabtay in aanay dawladdu Ingiriisku dhaqaalaha ay siiso guud ahaan Soomaalida aan loo qaybin gobolo balse ay si guud u siiso Soomaaliya  oo ayay tidhi ay Somaliland qayb ka tahay.

Taageeradda dhaqaale ee dawladda Ingiriisku siiso Soomaalida ayaa sannadihii u danbeeyey isa soo taraya, marka laga soo bilaabo sannadkii 2014 ilaa 2016ka, taas oo Dawladda Ingiriisku ugu deeqay Soomaalida wadar ahaan dhaqaale dhan Nus Bilyan Doolar.

Horraantii April 2018, waxa socdaal xaqiiqo-raadis ah ku yimid Somaliland wefti balaadhan oo ka socda Baarlamaanka Ingiriiska.  Weftiga ayaa ka koobnaa saddex xubnood, oo u

hoggaaminayey Stephen Doughty, kana tirsanaayeen xildhibaanada Matthew Offord  iyo Liz Mcinnes.

Weftiga ayaa  waxa ay kulamo gooni-gooni ah  la qaateen madaxda Somaliland, Xisbiyada Qaranka, xubno ka tirsan baarlamaanka Somaliland, Komishanka Doorashooyinka, Bulshadda rayidka iyo  xubno ka tirsan qurbo-jooga Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Xubnaha weftiga ayaa horumuud u ah  Xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, kanna soo kala jeeda  xisbiyo kala duwan. Kooxdan ayaa la aasaasay bishii Octobar 2016 si ay qayb weyn uga qaataan qaddiyada aqoonsi-raadis ee Somaliland, isuguna soo dhaweeyaan xidhiidhka dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Exit mobile version