Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Oo Cayimay Maalin Ay Shaqaalahu Fasax Yihiin

Guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa sheegay in Maalinta Sabtida Ah Fasax Yihiin Shaqaale Waynaha somaliland iyadda oo ay ku beegan tahay Maalintii Nabi Muxumed La Dheelmiyay.

Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalahu Oo Nuqul Ka Mid Ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Iyada oo Maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 27/Rajab/1439 kuna beegan 13/04/2017 ay tahay maalintii Nebigeenii NNKH loo dheelmiyey Sammada si uu Alle SWT la soo kulmo

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo qiimaynayaa maalintaa boqran isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14/04/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd

Maalintan oo ku beegan beri oo Jimce ah ayaa fasaxa loogu riixay maalinta Sabtida maadama Jimcuhu aanu kamid ahayn maalmaha shaqo.

Shaqaalaha Dawladda meel ay jooganba Waxaan u rajaynayaa Cizi, Cibaado iyo Caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL