Marry Harper Oo Ah Gabadha Tifaftiraha Ka Ah Idaacada BBC Oo Sharaxday Daciifnimada Dawlada Somalia iyo Dadaalka Waxqabsi Ee Somaliland.

Hargeysa(GNN):-Tifaftiraha Idaacada BBC-da ee Afrika, Mary Harper, ayaa qirtay fadhiidnimada xukuumadda Soomaaliya, halka ay Jamhuuriyadda Somaliland-na ku tilmaantay dawlad aan la ictiraafin oo haddana u shaqeynaysa sidii inay aqoonsi haysato oo kale. Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa xalay turjuntay warbixin ay qortay suxufiyada caanka ah ee Mary Harper oo ah tifaftiraha BBC-da ee Afrika, oo ciwaan looga dhigay “Qulqulatooyinka dalalka gacanku sidee ayey ugu fidi karaan bariga Afrika?.” waxaanay Mrs. Harper kaga hadashay sida Soomaaliya ay uga soo horjeedsatay heshiiska shirkadda DP World ay la gashay Somaliland iyo heshiiska saldhiga millatari ay dawladda Isku tagga Imaaraadka Carabtu kaga samaysanayso magaalo xeebeeda Berbera.

Mary Harper ayaa shaacisay inay Somaliland u dhaqmayso sidii dal aqoonsi haysata oo kale, iyadoo aan haddana caalamku weli ictiraafin.

Tifaftiraha BBC-da ee Afrika waxay ka markhaati kacday in Somaliland ka nabadgelyo wanaagsan tahay Soomaaliya oo ay leedahay dawlad, hay’ado sharci, lacag iyo calan u gaar ah.

Waxa kale oo suxufiyadaasi ay intaas raacisay in Somaliland la iskugu wareejiyey awooda si nabadgelyo ah doorashooyinkii xidhiidhka ahaa ee ka qabsoomay Somaliland.

Warbixintani waxa lagu bayaamiyey in Somaliland iyo DP World ay sii wataan heshiiskooda maadaama ay la socdaan in xukuumadda Soomaaliya aanay tahli Karin inay maamusho meel ka baxsan Muqdisho.

Danjiraha Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar ayaa colaad iyo nacasnimo ku sifeeyey dhawaaqa Soomaaliya.

Safiirka Baashe waxa uu xaqiijiyey in saldhiga millatari ee Imaaraadku ka furanayo Berbera ay ciidammada ammaanka ee Somaliland oo ka heli doonaan tababaro.

Mary Harper.