Qabyaalad Diid Mise Jeegaan Diid /Qalinkii Abdisatar Sabri.

Nabi Maxamed NNKH ayuu ilaahay Quraankiisa kula hadlay Bilawgii Fidinta dacwadda islaamka Alle wuxuu Faray Nabiga Cidkaleba intaanu Diinta Gaadhsiin Horta Inuu Gurigiisa kabilaabo Hanuuninta Dadkiisa ” Udig Cashiiradaada kuwa kuugu dhaw ” waxaan uga socdaa halkaan usocdo,

Mashruucan la yidhi waa Qabyaalad Diid ee Cabdikariim Ahmed Mooge Burco la tegay Mindhaa Wuxuu ku qurux badnaa Hargysa Inuu ku mideeyo oo gurigiisa ka bilaabo. Hadii arinkaa daacad layaga yahay. Sababtoo ah Hargysa ayay qabyaaladi kajirtaa hadii qabyaalad dhab ah laga hadlayo. Xaafada MUJAAHID MAXAMED MOOGE oo loogu Magac daray Halgamaagii Garashada Shishlaa alle Janadiisii haku sooree Wa Xaafada Cabdikariim Axmed mooge magacii Adeerkii huwan . Cabdikariim iyo ragga Lasocda EE magaca Bulshada kudhex leh Way ogyihiin in Iska daa shacabka caadiga ahe Xatta inaanu xilligan Ka hawlgelikarin Rugta booliiska Sarkaan Ciidan oo aan Xaafada dadka degen laqolo ahayn KOODBUURNA WAA TABTAA .

Mashruucan Qabyaalad diid ee Burco kasocda ee loo bixiyay Magac aan Lamacno ahayn danta laga leeyahay Waa Mashruuc qofkasta oo daacad ah oo miskiin ah oo qayb ka ah dadka laabaha xalan ee Reer Burco hor ilaahay moodikaro balse waa Mashruuc Ku wajahan Labada reer xattaa kuma wajahna Beelaha kale ee Burco dega WAA mashruuc ugaara waa Labada reer ee Bariga iyo galbeedka Burco isu sheega. Colaad iyo Xumaan midna kama dhaxayso Waa tol xigto xidid iyo gacal wada yaal Balse la og yahay oo iyaguna is og in ay ku kala aragti fog yihiin Siyaasada . Waase ay ku midoobi karaan Israac syaasadeed Xilligeeda.

Qorshahan ayaa Lagu tilmaamay ujeedada kadanbaysa in Burco Siyaasada umidawdo si Naanaysta qabyaalada ah looga tirtiro Taas oo Hargysa Looga soo waarido Marka loo baahdo.
Geesta kale hadii larabo Burco in ay Mucaarad isugu Baxdo waxa ay ahayd In laysu daayo siyaasiyiinta Xisbiga Waddani oo xilligan haysta Fursad ay kaga faaiidaystaan Guuxa Taban ee ka jira Bariga Burco kaas oo ka dhan ah Xisbiga talada haya ee Kulmiye Balse Ah dareen Saamayntiisa leh oo aan weli if ka iman.

Halkudhiga Qabyaalad diid oo aanan loo baahnayn in aan xuso Cidda Maalgelisay ayaa kubiyo shubanaya weelaynta Saadaasha Murugtay ee Israaca Burco ee Dhanka Siyaasada iyo in Ceebta Kala gurashada ah ee hargysa taal dadka lagaga jeedinayo

Qolyahan labaxay Qabyaalad Diid oo ay ahayd in ay labaxaan Jeegaan diid ayaa Mashruucan ku soo beegay Xilli ku haboon gogol dhiga Barnaamijkooda

By Abdisatar Sabri