Waxaa beryahanba isa soo tarayey cadaawadda Dawladda Somalia, iyadoo
muddooyinkan dambe la timid dar-dar cusub iyo colaad dabarka goosatay
balse aanay meelna ku gaadhi karin . Dagaalka Somalia kula jirto Al-Shabaab
waxa ka xun kan ay kula jirto Somaliland. Dawladda
Tamarta daran ee Muqdisho waxay si weyn iskugu taxluujisaysaa xinka iyo
xasadka Somaliland, waxayna u guntatay oo geed dheer iyo mid gaabanba u
fuushay sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka shacbiga Somaliland, halkii
ay ugu adeegi lahayd ummaddeeda tabaalaysan.
Dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Somalia, isku day kasta oo liddi ku
ah Somaliland waxay kala kulantay WAJI-GABAX. Runtii, Juhdiga badan ee
ay gelinayso colaadda Somaliland, haddii ay shacbigeed ugu shaqeyn lahayd
waxay gaadhsiin lahayd nabad iyo horumar ballaadhan.
Dacwadda Taliska Xamar ay geysay Qaramada Midoobay
waa Tallaabbo cadaawad annaga naloola dan leeyahay, waa gef
iyo gardarro aan geedna loogu soo gabban oo lagula kacay xuquuqa iyo
danaha Somaliland.
Dhanka kale, isku day’ga la wareegidda Hawada Somaliland waa
daandaansi, xadgudub iyo weerar halis ah oo lagu soo qaaday
Qaranimada Somaliland.
Siyaasiyiinta Somalia waxa keliya ee ay heshiis ku yihiin waa
cadaawadda iyo xinka Somaliland, tusaale ahaan Golayaasha
Baarlamanka Somalia marka la soo dhigo Ajande lagu colaadinayo
-
Somaliland ayuu Kooramku (Quorum) buuxsamaa oo mooshinkana siaqlabiyad ah (Unanimous) lagu ansixiyaa.Waxyaabahaas oo dhammi waxay muujinayaan in ay arrintu tahayaargoosi kadib markii ay ka quusteen midnimadii ay ku hadaaqi jireen.NEEF LA GAWRACAY GEEDO KAMA WAABTO.Arrintaa xattaa waxa dareemay oo ka damqaday dammiirlaa’wayaashii reer Somaliland ee durbaanka beenta ah ee midnimadarunta mooday ee Xamar hoganayey. Waxa kale oo maantadhacdooyinka shaahid u ah dhallinyaradii (new generation) oo iyagadhibaatooyinkii hore sheekada ku ahayd.Farmaajo waa nin aan qarsan karin naceybka Somaliland, waxana uuhaatan colaadda geeyey meel halis ah. (Nin qoyani biyo iskamadhowro)Tuug waa is-qariyaa,.Halka uu ka xado tulud,.Tahan buu ka guuraa,.Toddobaadkan Xaajow,. Mid tiriig sitaa yimid,.Xukuumaddan haatan KAL XISHOOTA MA LEH EE KAL CABSATA AYEYLEEDAHAY. Waxanse u sheegaynaa in Somaliland aanay sinaba uguduqaadan doonin gacmahana ka laaban doonin oo aanay ogolaandoonin in Qaranimadooda la dhaawaco.Waxaannu bulshada caalamka u caddeynaynaa in Somaliland,xukuumad iyo shacbiba meel uga soo wada jeedaan si buuxdana diyaarugu yihiin khatar kasta oo ka iminaysa in ay difaacdaan xuquuqdoodaiyo danahooda.Hashaan gaaddo weynow libaax uga gabboon waayeyinaan gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay.Wa bilaahi tawfiiqQalinkii : Cali XaruuriHolland