War Degdeg ah: Boqor Buur Madoow Oo Mar Kale Xabsiga Loo Taxaabay +Maxkmadda Gobolka Hargeisa oo Xukun Ku Riday

Maxakamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa shan sano oo xadhiga ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu ka hor yimid qaranimadda somaliland.

Markii uu dhacay xukunka lagu riday Boqorka ayaa waxa loo taxaabay xasbiga, halkaas oo uu uga bilaaban doono muddo shan sano ah oo uu ku xidhnaan doono.

dhawaan ayay ciidamada Booliska ee
Magaaladda Hargeysa ka qabteen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madoow ku sugan mid ka mid ah hudheeladda hargeysa, Waxaana ay u taxaabeen xabsiga, hasayeeshee waxa maalin ka dib uu helay xorriyadiisii markii damiin ahaan lagu sii daayay.

Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay hadal uu ka jeediyay Degmada Carmo ee Puntland oo ay ka dhacaysay xaflad caleemo saarka madax dhaqameed cusubi, waxaanu wakhtigaasi sheegay in sidaan ogolaanshiiyo ay ka soo qaateen xukuumadda somaliland in ay ka hadlaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland.