Warbaahinta Imaaraadka Carabta oo soo Bandhigtay Waxyaabaha ay Is Dheer Yihiin Somaliland Iyo Soomaaliya

Warbaahinta caanka ah ee Gulf News ayaa warbixin xiiso leh oo ay daabacday maanta kaga warantay siday Somaliland ugaga horrayso Soomaaliya dhinacyada xasiloonida iyo siyaasadda.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA oo soo turjuntay qormada Gulf News oo ka soo baxda dalka Imaaraadka carabtu ay baahisay, waxaana lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay nidaam dawladnimo oo u gaar ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Garsoorka, Ciidammada ammaanka, Baasaboor iyo lacag u gaar ah.

Sidoo kale Gulf News waxay intaas ku dartay inay Somaliland qabsatay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo u dhacay hananan dimuqraadi ah.
Warbixintaasi waxay tafaasiil ka bixisay heshiiska horumarinta marsadda Berbera ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DP World.

Madaxa Hawlgelinta shirkadda DP World u qaabilsan dekedda Berbera Cali Ismaaciil Maxamuud, ayaa sheegay muddadii shirkadiisu la wareegtay maamulka dekedda ay wax badani iska beddeleen adeegii iyo qalabayntii dekedda. Waxaanu tilmaamay inay hawl-wadeennada marsadda Berbera ku tabobarayaan barnaamijyo ay ku shaqeeyaan dekedaha caalamka ee ay maamusho DP World.

Sarkaalkaas u hadlay shirkadda DP World waxa uu xusay in kaabeyaasha dhaqaale ee Somaliland wax badani iska beddeli doono oo shirkado badani ganacsi u iman doonaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in aanay Soomaaliya farogelin Karin Heshiiska ballaadhinta dekedda Berbera, waxaanu caddeeyey in heshiiskaasi uu dan u yahay gobolka Geeska afrika oo dhan.

Shirkadda DP World ayaa Shaacisay inay Jaamacadda culuumta Badda ee Berbera ay bil walba ku taageerto 4800 oo doolar, halka 12kii bilood ee la soo dhaafayna ay lacag dhan 770, 181 (Todoba boqol iyo toddobaatan kun boqol iyo kow iyo siddeetan) doolar ku bixisay xarumo waxbarasho, adeegyo caafimaad iyo ceel biyoodyo ay u qoday shacabka reer Somaliland.