Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Gudi U Saaray Baadhitaanka Shiidaal Wasakhaysan Oo Dalka Soo Galay.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda warshadaha, ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad ayaa sheegay in uu guddi baadhitaan ah oo uu Hogaamin doono Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi u saaray shiidaalka Wasakhaysan ee soo galay Somaliland, kaas oo waxyeelo badan u geystay baabuurta.

Wasiir Maxamed Xasan oo Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi   “Waxa aad og tihiin in maalmahanba laga cabanayay shidaal wasakhaysan oo dalka soo galay, kaas oo waxyeelo u geystay babuur badan.

Dabo gal badan ayaanu ku haynaa, waxanan ka soo saaray qoraalo kala duwan, maanta waxa aan u magacaabay guddi uu hogaaminayo Agaasimaha guud oo kormeer ku tagi
doona Magaaladda Berbera si ay ugu kuur galaan shiidaalkaasi iyo cida keentay.

Gudidadaasi waxa ay warbixin hufan ka soo diyaarin doonaan sida ay wax u dhaceen iyo sida uu wadcigu yahay” Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.