“ Hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay bulshadda Somaliland ugu
baaqaysaa in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu ka soo
gaadhay roobabka ” Sida aynu la socono roobabkii dabaylaha watay ee bilawgii todobaadkan ku dhuftay qaybo ka mid ah xeebta iyo goboladda galbeed ee Somaliland waxay dhibaato weyn soo gaadhsiiyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeena. Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa masiibaddaa u geeriyooday dad ka badan 30 ruux, halka qaar kalena la laayahay. Sidaas oo kale waxaa ku baro kacay qoysas badan, iyadda oo
qaar badan oo kalena ay ku caydhoobeen.
Sidaas darteed, hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay ugu baaqaysaa
bulshadda bulshadda Somaliland in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka
dhibaatadu gaadhay.ee ku nool xeebta goboladda Awdal iyo Salal gaar ahaan degmadda Lughaya iyo inta ku teedsan.
Hayadda EAD waxay ku dhiiri galinaysaa, uguna baaqaysaa xukuumadda JSL, hayaddaha samafalka , wadamadda muslimiinta iyo kuwa deeqaha bixiya, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda inay dar dar galiyaan hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka dhibaatadu soo gaadhay. Hayaddu waxay si gaar ah ugu baaqaysaa ganacsatadda iyo qurbajoogtu inay is abaabulaan, si deeqsinimo leh-na ugu hagar baxaan taakulaynta iyo caawinta bulshadeena dhibaataysan.
Ugu dambayntii, hayadda EAD waxay ku bogaadinaysaa xukuumadda Somaliland,
wadamadda aynu dariska nahay sida deg dega ah ee ay u bilaabeen gurmadka.
Jazaakalaah khayr
Gudidda fulinta EAD UK