Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay baaqii beesha caalamka

Hargeysa (Gnet)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay baaqii ay wadamada beesha caalamku ka soo saareen dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray Tukaraq, waxaanay beesha caalamka ugu baaqday inay Puntland culays ku saarto inay weerarka joojiso.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu Puntland iyo dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku hayso weeraro joogto ah.

Wasiirka oo la hadlaya beesha caalamka wuxuu yidhi “Beesha Caalamka waxaanu ka codsanaynaa inay Somaliya iyo Puntland cadaadis ku saaran inay joojiyaan dagaalkaas iyo weerarkaas qaawan, iyo qalalahaasa la galinayo dadka reer Sool, oo maanta u haraadan una baahan waxqabad, horumar, Cisbitaalo, shaqo, Dugsiyo, uma baahna colaad, uma baahna burbur, Sool waa Gobol ka tirsan Somaliland dadkiisuna waa dad reer Somaliland ah, ee Puntland iyo Somaliya ha joojiyaan colaada ay dadkayaga iyo dalkayaga ku hayaan,Ciidankeenana aad baan ugu mahadnaqayaa siday dadkooda iyo dalkooda u cadawga uga difaaceen, waana Ciidan hadh iyo habeenba heegan ugu jira sidii ay dadkooda iyo qaranimadooda u ilaalin lahaayeen ”.

Isagoo dagaalada ka hadlaya wuxuu Wasiir Sacad yidhi  “Dagaalkan la inagu soo qaaday waa dagaal gardaro, xadka Somaliland waa la yaqaana waa xad caan ah, waa xad caalamiya, inagu maynu sameeynin ee Ingiriiskii iyo Talyaanigii ayaa sameeyey, oo sida ay Somaliya xad ula leedahay Keniya, ee ay xad ula leedahay Itoobiya, ayuu Xadkeenuna kuwaas ula mid yahay, xadkeena waa la yaqaana inagu duulimaad kuma nihin Somaliya, kumana xad gudbayno, ee inagu waxaynu xaq u leenahay inaynu xadkeena ilaashano,dadkeenana ilaashano, inagu waxaynu dadkeena la doonaynaa horumar, dimuqraadiyad iyo nabad, ee colaad iyo burbur, midna la dooni mayno, markaas cida wada gardaradaas qaawan waxaanu ka waaninaynaa inay joojiyaan gardarada”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey socdaalkii uu Madaxweynuhu ku tagay Gobolada Galbeedka ayaa yidhi“Waxaanu soo marnay afar Magaalo, oo ay ka mid yihiin Yaasha-cado, Gargaara Bari, Lughaya, Saylac,dadkii aanu la kulanay waxay noo sheegeen inay xoolo badani baxeen, beero badani baabeen, qiyaastii tiro ilaa 31 qofna dhinteen, khasaare baaxad weyn baa dhacay, haba ugu sii darnaadan Gargaar Bari,markaas dadkaasi gargaar deg deg ah ayey u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin cunto, waxay u baahan yihiin biyo, waxay u baahan yihiin hooy, waxay u baahan yihiin in guyihii dib loogu dhiso, dadkii xooluhu ka baxeen waxay u baahan yihiin in la xooleeyo, dadkii beeruhu ka baxeena in la caawiyo ayey u baahan yihiin,markaas waxaan ku baaqayaa in dadkaas aan waxba laga hagran ee loo gargaaro”.

Mar uu kaa hadlaayey cidda Dawladda Somaliland ka caawiyey dhibaatooyinkan ay roobabku geysteen ayaa yidhi “Imaraadku laba diyaaradood ayey nagu caaawiyeen, si loogu gargaaro dadka aan sida kale loo gaadhi karin, oo waxa jira meelo fara badan oo dhinac kasta daadad ka xidheen, oo aanay baabuurteenu gali karin, markaas si gargaar deg deg ah loo fidiyo dadkaas dhibaataysan ayey Imaaradku labadan diyaaradood noogu keeneen, labadaas mid ka mid ah ayaana raacnay, ta kale Dawladda Jabuutina waxay ahayd Dawladdii ugu horeeysay ee ina caawisay ee ina siisay Diyaaradii ee uu Madaxweynuhu ku soo maray kormeerka, markii aafadani dhacday, waxa kale oo imika iyana shaqadii bilaabay Hay’addihii samafalka ahaa, dawladduna lafteedu dadaal xoogan bay ku jirtaa sidii dadkaas gargaar deg deg ah loo gaadhsiin lahaa, dhawr Diyaaradood oo Raashin ahna waa loo geeyey”.

 

Wargeyska Afrika