Baaq ku wajahan musiibada iyo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka  iyo duufaanada

DATE: 27/05/2018

REF: SSE/DK – 075/27052018

Dallada isku xidha Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ayaa waxay baaqan kooban idinkula wadaageysaa dareenka naxdinta badan ee ka dhashay musiibada iyo dhibaatooyinka ka dhashay roobabkii iyo duufaanadii ku dhuftey xeebaha Somaliland, gaar ahaan Awdal, Selal iyo Saaxil. Musiibadan ku habsatay deegaanadaa ayaa waxay taabatay dad iyo duunyaba.

Wararka ka soo baxaya warbaahinta rasmiga ah ee dalkii ayaa waxay sheegayaan in dhimashadu ay kor u dhaaftey konton qof. Musiibadani waxay saameyn ku yeelatay dad gaadhaya ilaa toddoba boqol kun oo qof (700,000). Dhismayaal , dhul beereed iyo xoolo aad u badan ayaa lagu waayay musiibadan oo run ahaantii mustaqbalka dhow iyo ka fogba saameyn ku yeelanaya nolosha dadka reer Somaliland.

Dallada SSE waxay qurbo joogeena reer Somaliland ugu baaqeysaa in si isku duubni iyo wadajir ah looga qayb qaato tabaruca iyo kaalmada loo baahanyahay in lala gaadho muwaaddiinta ay musiibadani ku habsatay.

Dallada SSE waxay Xukuumadda Somaliland ku amaanaysaa tallaabooyinka degdega ah ee ay ku dhaqaaqdey si kaalmo iyo mucaawimo loola gaadho dadkaa dhibaataysan. Ururada iyo Hay’adaha Samofalka ayaanu baaqan kaga codsanaynaa inay iyaguna ka qayb qaataan sidii dadkaa tabaalysan loo kaalmeyn lahaa loona garab istaagi lahaa si ay uga soo kabtaan dhibka haysta.

Guud ahaan muwaadiniinta reer Somaliland, gaar ahaan ganacsatada ayaanu ka rajaynaynaa inay si gaara uga qayb qaataan taakuleynta iyo caawimada dadka u baahan in la gacan qabto si noloshooda loo badbaadiyo.

Xasuusin:

Dallada SSE waxay xasuusinaysaa dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland in lagu jiro wakhti adag oo loo baahanyahay in loo midoobo sidii loo waajihi lahaa ka gudubka dhibaatooyinka jira. Waddanka dagaal iyo weeraro ayaa ku socda kaga imanaya dhinaca Soomaaliya. Waxa duulaan lagu yahay in la dhaawaco nabada iyo Qaranimada Somaliland. Dallad ahaan waxa aaanu idinkula dardaarmaynaa in la garab istaago ciidanka Qaranka Somaliland oo naftooda u huraya nabada, xorriyada iyo dawladnimada aynu haysano. Qaran iyo Dawladnimo aynu hadda ku tabcaynay 27kii sanno ee u dambeeyay ayaa la rabaa in si sahal ah loo dhaawaco. Waajib ayaa inaga saaran inaynu wehel iyo taageero u noqono ciidanka lagu hayo weerarada gardarada ah. Somaliland cidna duulaan kuma aha ee Somaliland ayaa duulaan lagu yahay. Gef ayay inagu noqonaysaa in ciidanka Somaliland lagala bakhaylo taageerda ay xaqa inoogu leeyihiin. Guul iyo gobanimo ayaynu u rajaynaynaa dadka iyo dalka Somaliland.

 

Alle ayaa mahad leh,

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

www.sseuro.com   Tel:45 25 53 93 15