Daawo Magaalada Gabiley Nin Lugaha Naafo Ka Ah Oo Hadana Gaadhi Ku Shaqeysta Iyo Bulshada Oo Tilmaamtey Kartidiisa

 

Gabiley(GNN)Abdishakuur Muxamed Muuse Waa  Nin Curyaana Oo  Cagaha Naafo Ka Ah Ma Jiran Cid Garab U Ah Oo  Daryeelaysa Waa Aabe Haysta 9 Caruura Wuxuna La Daala Dhacaya Quudinta  Caruurtaasi Iyo Waxbarashadooda Waa Dirawal Ku Shaqeysta Baabuurta Loo Yaqaan Noohada Wuxuna Guraa Adhiga Iskagana  Kala Gooshaa Wajaale Iyo Gabiley, Abdishakuur Muxamed Muuse Waxa  Loogu Yeedha Dhiishka Fayaw,Waa Aabe Dadaal Badan Oo Kartidiisa Isticmaalaya  Si Uga Dabaasho Masuuliyada Ka Saaran  Ubadkiisa Iyo Labada  Xaas Ee Uu Leeyahay, Magaalada Gabiley Waaka Caan Wuxuna Noqday Aastaan Iyago Dadka Naafada Ahi Ay U Arkaan Dhiirigalin Madama Oo Uu  Ka Shaqo Badan Yahay Dad Badan Oo  Lixdoodii Lixaad Qaba, Bulshada Uu U Adeego Waxey Umuujiyaan Naxariis Si  Ay Udhisaan Quluubta Aabahan Oo Ah Mid Muujinaya In Shaqadu Ay Ka  Sharaf Badan Tahay  Shaxaadka Iyo Camal La,aanta Oo La Qabatimo,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Abdishakuur Ayaa Tilmaamaya In Dadka Naafada Ahiy Ayna Ay Is  Liidin Niyad Jabina Ee Ayku Dhiiradaan Shaqooyinka,Si Ay Uga Maarmaan Baryada Iyo Shaqo La,aanta

Dadka Uu U  Adeego Ayaa Sharaxaadka Bixiyay Hanaanka Uu U Shaqeysto Waxeyna Tilmaamayan Inu Ka Geesisan Yahay Dadka Lixdoda Lixaad Qaba,

Ugu Danbyntii Abdishakuur Muxumed Muuse Dhiishka Fayaw Wuxu M/Wayne Muuse Bixi  Iyo CIdkasta Oo Itaal Dhaanta Uu Ka Codsanaya In La Gacan Qabto Isla Markana Lagu Gargaaro Wixi La Kari Karo,Ee

Fadlan Daawade Hadii Aad Hasyo Talo Iyo Qorshayaal Dhaxalgala Oo Wax Lagaga Badali Karo Nolasha Abdishakuur  La XIdhiidh Telfankiisa Ee Shaashada Ku Qoran,

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(GNN)

GABILEY OFFICE