Gabadh foodlay ah ayaa maleegtay weerar ay miino iyo qori ku weerarayso madxafka Britain ka dib markii laga carqaladeeyay in ay guursato nin jihaaddoon ah, sida maxkamad loo sheegay.
Safaa Boular ayaa 17 jir ahayd markii lagu eedeeyay in ay go’aansatay “in ay nafta hurto” ka dib markii Suuriya lagu dilay wiil ay jeclayd oo u dagaalamayay Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida loo sheegay maxkamadda Old Bailey
Walaasheed Rizlaine Boular oo 21 jir ah ayaa qiratay in ay qorshaynaysay weerar ay ka gaysato Westminster kaas oo ay u adeegsan lahayd tooriyo.
Waxay kaalmo iyo garab istaagba ka heshay hooyadeed Mina Dich sida xeerbeegtiga loo sheegay