Wadamada Muslimka Ah Oo Isku Raacay In Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Bilaabanayso Maalinta Barrito Ah

Inta badan wadamada Muslimka ah oo ay ku jiraan Sacudiga iyo Indonesia ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo Barri ku beegan la buuxin doono 30ka bisha Shacbaan.

Dowladaha warka soo saaray ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17ka bishan May uu ka bilaabanayo  Ramadaan.Waxaa ka mid ah dowladdaha isku raacay go’aankan Saudi Arabia, Indonesia, Jordan, Ciraaq, Malaysia,Bahrain, Lebanon iyo dowladdo kale.Sidoo kale qaar ka mid ah Ururrada islaamiga ee ka dhisan dalalka aan Muslimka aheyn ayaa iyaguna war ay soo saareen ku sheegay in maalinta Khamiista ah ay ka bilaabaneyso bisha Ramadaan.