Wafti Wasiiro Ah Oo Xukuumada Somaliland U Dirtay Deegaanka Ceelafweyn Beelo Wada Dagaa Diriri Ku Dhexmartay.

Wafti Wasiiro Ah Oo Xukuumada Somaliland U Dirtay Deegaanka Ceelafweyn Beelo Wada Dagaa Diriri Ku Dhexmartay.
Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay maanta wafti Culus u dirtay Deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag si ay u xaliyaan Colaada ka taagan Deegaankaas ee u dhexeeya labada Beelood ee Walaalaha ah ee wada dega Deegaankaas.

Waftigan Xukuumada ka socda ee u anbaba baxay Dejinta Colaada Deegaanka Ceel-afwayn ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxa ku wehelinaya safarkan Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Boos Mire, Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Jaamac Maxamuud Cigaal.