Xaalada Ceelafweyn oo Degan,Kadib Gurmadkii Ciidamada Qaranku Kula Wareegeen+Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca.

 Dhimasho iyo dhaawac faro badan ayaa laba beelood oo Ood-wadaaga ah ku dhexmartay deegaanka gobolka sanaag tuulooyinka hoos yimaadda oo ay ka mid yihiin Dhidinka
Siigadheer, Dararweyne, Fadhigaab iyo degaano kale.

Dhimashadda ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay ku dhowdahay  toban Qof dhaawacuna uu ka badan yahay sida Ay Xaqiijiyeen Masuuliyiin Gaadhay Deegaankaasi.

Dadka dhintay ayaa wararku sheegayaan in ay ku jiraan dumar iyo waliba caruur ay xabad ku dhaceen markii rasaas laysku dhex waydaarsaday goob tuulo ah.


Ciidamada Qaranka Somaliland oo saaka gurmad adag sameeyay ayaa hadda xaalada nabad ku soo dabaalay waxaana dhamaan deegaanadii ay dirarta dagaal saaka ka dhacday si buuxda gacanta ugu haya ciidanka qaranka oo Ku Amran cidii lagu qabto hub in ay sharciga mariyaan.
Ciidamadda qaranka somaliland oo

Labada Beelood ee haddana saaka dagaalka sababay dhimashadda iyo dhaawacu dhexmaray ayaa dhaawan wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed deegaanka ceel afwayn nabad ugu soo xidhay kuwaas oo labada beeloodba laysku dhaariyay,waxaana loo kala qaaday magtii markii laysku tirayay dadkii ay iska dileen.

Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu saaka baaq nabadeed u diray labada beelood waxaana uu ugu baaqay in ay ka shaqeeya nabad iskana dhaafaan colaadda ay markasta dhexdooda ka abuurayaa.