“Abaabulka Soomaaliya Iyo Puntland, Waa Abaabul Dhabtooda Ku Qaayisaya”

Hargeysa (Gnet)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa tilmaamay in Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ee uu ka tirsanaa in saddex jeer la heshiisiyey labadan beelood ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu xusay in Xukuumaddan Muuse Biixina diyaar u tahay inay heshiiso, colaada labadan beeloodna ay soo af jarto.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xiisada ka taagan Tukaraq, caawada Puntland iyo Somaliya ee Somaliland, iyo qaabka ay Beesha Caalamku arintan u gashay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Nimankan isku jawaabaya waa niman walaalo ah, oo meesha wada dega, wey is dhaleen, waa habar wadaag, oo wax badan baa ka dhexeeya, ee duq iyo waayeel iyo cid kastaaba ha iskugu tagtoo, oo saddex jeer oo hore ayaa la heshiisiyey, oo saddex jeerba gacanta la isku saaray, oo mag dhaw ayaa la iska siiyay, oo wax kastaba waa la sameeyey, xitta wixii dawladda ku soo hagaagayey halkan baa laga sii qaadayey, intii Oday Axmed Siillaanyo taladda dalka hayey saddex jeer baa la heshiisiyey, haddana wadaadkan Muuse Biixi waa u diyaar inuu heshiisiyo, gacantana isku saaro labadan beelood, waana aafo qaran in mar walbana labadan beelood ay dagalamaan, waana ayaan daro in mandaqadii ugu dadka iyo dhulka badnayd baa cidhiidhi ku jira, mar haddii aynu tobankii dambe ee Ramadaan ku jirana waxba yaan la odhanin qoladan iyo qoladan baa gardaran, ee aynu bisikinka u qabano, oo dadka is qarinaya, ee sawirka xagga dambe kaga jira Dawladdu ha u kuurgasho, oo ha la qabto, oo bacda ciida markaynu insha allaah nabad iyo khayr ku ciidno, intii aanu Madaxweynuhuba tagin, rag miisaan leh oo cid walba iskugu jira ayaa tagaya meesha, Madaxweynuhuna dalab loo sameeyey oo kaliya kuma tago, iyana ma khaldana oo iyana waa Madaxweynahoodii oo cid ka xigtaa ma jirto, labadan reerna ma qabo in dagaalkoodu oo Somaliland burburinayo, laakiin waa talo xumo, Siyaasad xumo iyo qorshe xumo, runtiina waa kuwii marar badan oo hore heshiiyey, dadkuna waa dad wanaagsan, oo cadaawad fog dad yaqaana maaha, waa dad isku wada xabiiba,oo is dhalay, oo wada habar-wadaaga iyo ilmadeera, dadka qaar baana mooda in Ciidamo kale meel kale inagaga soo duuleen, ee labada Beelood ha is dhawraan, ha is ilaashadan, hana is akh-dhawraan, waa dad walaalo ahe”.

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga mar uu ka hadlaayey Puntland iyo Somaliya ayaa yidhi “Abaabulku midi waa mid soconaya, midina waa mid dhabtaada ku qaayisaya, ee abaabulka Somaliya iyo Puntland, waa abaabul dhabtooda ku qaayisaya, mana aha abaabul wakhtigiisi ku haboona, oo xitaa wadamadii reer Galbeedka ee hawlahan qabanaya iyo Dimuqraadiyadeena u bogay, ee inoo yimid ayaa awaamiir iyo codsi isku daray,sida igu maqalka ahna waxay tageen Madaxtooyadeena iyo Madaxtooyada Xamar, oo waxay soo jeediyeen arin maquul ah, oo ah in la joojiyo colaada, sida dhabta ahna Somaliland marnaba ma wado colaad, ee nabadgalyo ayey ku baaqaysa, waa in Puntland iyo Somaliya iyagu joojiyaan colaada ay hurinayaan”.