Imtixaanaadkii Shahaadiga Ahaa Oo Gaadhay Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka Iyo Gudoomiye Daa,uud Oo Ka War Bixiyey.

Hargeisa(GNN):-xafiiska imtixaanaadka qaranka somaliland ayaa shaaciyey in gobolada dalka la gaadhsiiyey imtixaanka fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe oo dhawaan dalka ka bilaabmi doona.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah gobolada dalka la gaadhsiiyey imtixaanaadkii halka kuwa kalana saacadaha soo socda ay gaadhi doonaan.

Gudoomiye Daa,uud oo ka hadlaya diyaar garawga imtixaanka ayaa waxa uu yidhi “Waa todobaadkii khayrka badnaa ee hawshu ugu adkayd, waxaana baxay oo maanta ilaa xalay Hargeysa ka anba baxay baabuurtii siday imtixaanaadka gobolada bariga oo kala ah Sanaag, Sanaag bari, sool,

saraar iyo Buuhoodle kuwaas oo xalay baxay, maantana waxa baxay gobolada Saaxil, Togdheer, Awdal iyo Gabiley, inta badan baabuurtii way gaadheen Ceerigaabo iyo meelihii looga baahnaa, warbixina waanu ka helnay wax dhibaato ahina ma jiraan, waxaana jira hal gaadhi oo kaabad ku dhacay kaas oo aanay cidina waxba ku noqon.”

Sidoo kale gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka somaliland ayaa hambalyo u diray ardayda u fadhiisanaysa imtixaanaadka shahaadiga ah waxaanu yidhi “Imtixaanku waxa uu bilaabmi doonaa maalinta sabtida ah kaas oo dalka oo dhan ka bilaabmi doonaa, waxaanan waalidka iyo ardaydaba u diraynaa hambalyo, waxa kale oo aan hambalyeynayaa gudoomiyeyaasha gobolada dalka.