Madaxweynaha Dalka DJabouti oo Cambaareyey Qaraxiii Ka Dhacay Dalka Itoobiya.

Addisabab(GNN):-Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Dalka jamhuuriyada jabuuti ayaa cambaareeyay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Adisbaba ee xarunta dalka itoobiya,

Madaxweyne Geele waxa uu Ku sheegay  Warsaxaafadeed Uu Soosaaray in dadka weerarkaas gaystay ay ahaayeen kuwa kasoo horjeeda isbedelada horumarineed ee uu midanimada qarankiisa ku xoojinayo raysal wasaare Abiy Ahmed.
Sidoo kale Madaxweyne Geele waxa uu tilmaamey in itoobiya iyo jabuuti ay yihiin dad walaalo ah oo ay ka dhaxayso Xidhiidh dhaqaale iyo mid istiraajiyadeed waxa uuna tilmaamey in ay ka go’an tahay ilaalinta xasiloonida dalweynaha itoobiyaha.
Ismaaciil Cumar madaxweynaha dalka jabuuti ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee cambaareeyay qaraxii Shalay ka dhacay fagaaraha Meskel kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo daawacba.

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com