SIXIRKA HADAFKA Qaybta 2Aad

Ta Labaad :  Tashwiiska Ruuxda Qofka

 

Xikmad hore ayaa tidhaa:  suuragal uma aha ruuxu inuu shaqo isdaba jog u qabto hadii aanu camalkaasi waafaqsaneyn aragtidiisa .

Aragtida naftaada ee khalkhalka ku jirtaa ruuxa ayay noloshiisa oo dhan saameysaa taas oo  dareensiineysa inaanu ruuxu ku habooneyn inuu guulesto ,guushuna loo abuurey oo kaliya dadka kale , sidaa awgeed baa waxaan aragnaa isaga oo habawsan oo aan waxba ka garaneyn hadafka noloshiisa waxa uu doonayana aan xadeyn .

Hadaba sida fiican waxay tahay aragtida khalkhalka ku jirtaa waa arin ruuxu ka dhaxlo la dhaqanka dadka taasoo ka dhalata waaya aragnimada noloshiisii hore sidaa awgeed suurogal maaha inuu bedalo ilaa uu yeesho go’aan adag hadii kale wuxuu noqon dameeri dhaan raacday kaa soo iska aqbala ,raalika noqda ,kuqanca,iska waafaqa go’aan kasta.

Umana arko I nay muhiim tahay inuu naftiisa hadaf u yeelo .

Tom Adison ayaa  kuwaa ku  tilmaamey [guul dareysteyaashu kuwa ugu waaweyni  waa kuwa ka baqa isku deyga].

Hadii aad tahay dadka ku sifeysan damaca sare oo meel sare aad ku gaadho oo diida hooseynta oo indhihiisu hiigsadaan kaalita koowaad diidana inay kaalinta labaad galaan .

Sida uu yidhi Kanadi ( markasta oo aad raali ka noqoto inaad darajada labaad gasho intaa in kabadan gaadhi meysid).

 

Ta saddexaad : Dib u dhigista  ( Beriyeynta )

Waa tuuga saddexaad ee xada cimriga qofka kaas oo lumiya ruuxa noloshiisa kana dhigta bilaa hadaf .  Dib u dhiga si fudud hadaan kuugu sheego :waa dib u dhiga shaqada aad manta qaban lahayd oo aad barri dib ugu dhigato sidaana cimrigaagii oo ku lumo adiga oo aan waxba qabsan oo kaliya ku noool yididiilo been ah .

Ruuxa dib wax u dhigaa waxa uu jecel yahay kalmada (kadib) iyo kalmada (waan sameyn doonaa) , waan shaqsi ku takhasusey inuu xujo iyo cudurdaar u helo wax qabad la’aantiisa .

Waxad maqli mararka qaarkood isaga oo leh ( jawigu aad buu uxun yahay kumana haboona in shaqo la qabto ) Waxaa  kale oo uu yidhaahdaa [ jawigu waa mid aad ugu fiican in la raaxeysto oo la nasto] .

Ruuxa dib u dhiguhu waa ruux  rumeysan ahmiyada hadafku leeyahay laakiin malaha rumeyn aad u xoog badan wuxuu ku nool yahay yididiilo ka madhan rumeyn xoogan.

Nasiib daro sida caadada ah hadii ruuxa dib u dhiga ku tilmaamani mar ama laba nafta siiyo fursad dib u dhigeed intaa ka dib waxa ku adkaata sidii uu naftiisa u maareyn lahaa . Sida aan wada ogsoonahay waxaan nool nahay nolol kaliya  mar labaad ma soo noolaaneyno  in kasta oo dhamanteen aan arintan ka dharagsanahay hadana dad aad u tiro yar ayaa ku camal fala oo ku dedaala sidii ay faaiido badan u xaqiijin lahaayeen noloshaa yar dhexdeeda .

 

 

La soco qodobada kale ………………………………….

Qoraa : Ibrahim alfiqi

Turjume : Ismail tukaale

Soo tebiye:  Ismail Hassan (shine)