“Union Or One State” Midaw Ama Isu-tag, (Taxanaha Geeska Cusub). Q: 4aad:- Qalinka: C.S.F(Jeesto).

Qormooyinkii sahanka iyo saadaasha u ahaa Mustaqbalka dhaw ee isbaddelkiisa wata kana dhici raba Geeska-afrikaha cusub, Isla markaana bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqan buqcadan aan ugu tala-galey inaan u sawiro muuqaalkeeda yada oo aan wali la gaadhin, Ayaa waxay ku beegeen Waabari samo ku baryey oo dhamaan geesku ku bariistey jawi cusub iyo dar-dar galin danaheeda caalamiga ah, Hadaba qaybtiisa afraad waxay diirada saareysaa Waxan la yidhaa Midnimo ama Isu-tag (Union Or One State ), Amuurtani oo ku saleysan hada xaalada ka aloosan Geeska gudihiisa, Oo ay aregtiyo fara-badani ku talinayaan in la sameeyo Midnimo ama Isu-tag ka dhexeeya Gobalka Geeska-afrika. Waxaan u soo qaatey kalmadaha Isu-tag ama Midaw waxa weeyaan inaan ku dabaqno hadalkii ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr.Abbiy Ahmed Ali, Oo hoosta ka xariiqay inay midoobi doonaan labada dawladood iyo laba umadoodba waa Soomaaliya Iyo Itoobiya,e, Hadaba midawgaasi waa mid noocee ah imika dunida waxa la isticmaalaa labadan qaab oo ay dawlado fara-badani ku dhisan yihiin, Runtii arintani waxay aheyd fog oo ka soo maaxatey Raysal-wasaarahaa isagu nabad-doonka ah ee furimihii geeska iska soo wada laabey haday tahay mid argagixiso ama colaadihii sokeeye ee wadamada geeska gudahooda qaar ka socday, Yadoo geesigan aregtida fog loo saadaalinayo inuu ku guulaysan karo Abaal-marinta ( Nobel Peace Praceta), Hadii uu talaabadiisaa ku sii socdo oo uu sii labin-laabo dadaaladaasi. Inkastoy tahay fakir ama aregti dawladood labadan qaab ee kala ah Isu-tag ama Midawgu oo ay aduunka duwalkiisu kala raaceen, Imika hadaan soo nooca Isu-taga (One State), ayaa loo yaqaanaa nidaamkan waxa isticmaala ilaa haatana ku dhaqma qaab dawladeedkiisu waa mareykan tijaabadana isaga ayaa ka mid ah wadamada sameeyey waayo waxa layidhaa (United State Of America), waa gobalo kala duwan oo isu-taga hal Qarana sameysta, Calan kaliya wada leh, Xaduuda wada leh, Lacagta wada Leh, Siyaasada hagitaanka ama maamulka xukuumada wada leh, Inta badana waxa ku soo arooraan dal isku mid ah oo kaliya hada waa isu-tagan ayaa abuurayaa waxaasoo talaabo aan soo xusnay, Waxa ka mid ah dawlada Imaaraadka Carabta oo yadna sida isu-tag u ah kuna gaba-gabawda hal dawladeed oo carabi leedahay. Mid kalena waa Midaw (Union) kani intiisa badan waxa sameysta Gobalo ku wada yaala mandaqad gaara balse kala ah Dawlado kala gaar-gaara oo aan midi mid xukumin ama aaney waxba wadaagin xaga Amuuraha dawladaha goonida u ah, Waxase kulmiya isgaashaan buuraysi ku saabsan dhinaca qaaradnimo ama Gobal-qaaradeed sida Ururka Midawga Afrika (A.U) ama kan Midawga Yurub (E.U), Waa dawlado ama qaramo kala duwan hadana waxay ku midaysan yihiin dan ka balaadhan ta dalnimo ama qaranadooda u gaarka ah, Aregtidaasina waa mid caalamiya waxana caalamka ka dhisan Ururo badan oo ku bahooba ama ku midooba dan ka balaadhan ta Qarankooda, Mid kastaana u madax-banaan yahay siyaasadiisa iyo aregtida dawladnimadiisa kuna dhaqaya umadiisa sidii isaga u quman aregti ahaan. Is waydiintu waxay imanaysaa markaan labadaa nooc ee aan soo xusay la soo dhaafo waa qaab noocee ah kan uu door-bidayaa Geeska-afrikaha Cusubi???, Ma midaw mandaqadeed baa mise waa isu-tag, Xaqiiqada dhabta ahi waxay isugu soo biyo-shubanaysaa in aaney Isu-tag meesha oolin waayo geesku heerkaa uma bisla mana tijaabin karayo bisaylka ilaa halkaa gaadhey, Waayo sida aynu wada og nahay umadaha ku dhaqan geesku badankoodu waa dad il-baxnimada dhawaan ilaa Qarnigii 17aad ay soo gaadhey marka laga reebo Dawlada weynee Itoobiya, Hadaba taasaa keenaysa in aaney hiigsan Karin balse waa laga yaabaa inay sameystaan Urur Geeska Mideeya dawladahooda si ay waxyaabo badan isaga kaashadaan una fududaadaan colaadaha ragaadiyey duwelka Geeska-afrika qaarkood, Sidoo kale loo helo hanaan taransi iyo is-caawini soo marto waliba mid miisaan leh maxaa yeelay kii masiibo hesho iyo kii colaadi ragaadisaba kooxda ayaa laga yaabaa iney gurmad iyo gar-gaarba isugu darto.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) Diplomatic Annalism. Gabiley/ Somaliland.