Afghanistan: weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo ciidamo sirdoon ah

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyey kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada sirdoonka Afghanistan .

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qaraxan ismiidaaminta ahee lala beegsaday ciidanka sirdoonka Afganistan halka lix qofood oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen booliiska Afghanistan.

Hashmat Stanikzai oo ah afhayeenka ciidamada Amniga ee Afghanistan ayaa sheegay in in weerarku uu ka dhacay agagaarka xaafad lagu magacaabo Bagh Daud.

Afar kamid ah shanta qof ee ku dhintay weerarka ayaa la sheegay in ay yihiin ciidanka nabad sugida qaranka Afghanistan halka dadka kale waxeeyladu kasoo gaartay qaraxana ay ahaayeen dadka rayid ah.
Kooxda Taliban ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi lagu qaaday kolonyada ciidanka waxaana ay intaa ku dareen in weerarka ay uu dhacay 5:00 subaxnimo ee xiliga maxaliga ah ee Afghanistan.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa yimid laba maalmood kadib markii shan gantaal lagu tuuray agagaarka xarunta madaxtooyada ee Kabul, oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof.iyadoo aysan jirin cid sheegatay masuuliyada gantaaladaasi.