Akhriso :- Arimaha Lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland + Sawiro

Hargeysa (GNN):- Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda

Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

 

Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.

Image may contain: 1 person, sitting

Gabiley.net/Gabiley Office