Akhriso: War-saxaafaddeed Ka Soo Baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland

Hargeisa(GNN):- Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa lagu sheegay in Gudashada Xajku ay beri si rasmiga uga bilaabmayso Somaliland (maanta).

War saxaafaddeedka wasaaradda ayaa u dhignaa sidan;

“Wasaaradda Diinta iyo Awqaafu, waxa ay dadweynaha Somaaliland ku wargelinaysaa uguna bushaaraynaysaa, in howlihii Xajku si habsami leh u billaabmayaan berrito oo Jimca ah, haddii Alle idmo.

Waxa aynu ka war qabnaa in bishii ugu dambeysay ay mushkilad ka taagnayd qaabka Vissa bixinta Xajka, taas oo walaac xooggan ku abuurtay shacabka sanadkan ku talo galay in ay gutaan waajibaadka Xajka.

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa ay aaminsanyihiin, in Xajku yahay mid ka mid ah arkaanta Islaamka, isla markaana aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo. taas ayaa u sabab ah in aanay Wasaaraddu ka jawaabin hadallo badan oo ay saxaafaddu marinayeen maalmihii ugu dambeeyey Siyaasiyiin iyo Wadaaddo ba.

Haddaba, Wasaaraddu waxa ay u rajaynaysaa Xujayda Soomaaliland iyo guud ahaan Xujayda kale ee Muslimiinta ah in uu Allah ka aqbalo acmaasha.

Allaa mahad leh.”

Exit mobile version