Ciraaq: dabley hubeysan oo weerar ku qaaday dhisme xarun dowladeed

Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday dhismaha xarunta magaalada Erbil, oo ah xarunta gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq, sida uu sheegay sarkaal maxali ah.

” laba nin oo hubeysan ayaa abbaare Waqtiga 7:45 subaxnimo soo weeraray albaabka hore ee xarunta gobolka looga arimyo ee magaalada, waxayna dab qabadsiiyeen ilaaladii dhismaha xarunta, iyagoona guuleystay inay gudaha u galaan dhismaha, hadda waxay joogaan dabaqa saddexaad,” ayuu yiri Tahir Cabdullaahi oo ah guddoomiye kuxigeenka gobolka Kurdistan.

Isagoo hadalka sii wata ayuu sheegay in haatan ciidamo gurmad ah ay soo gaareen halka la weeraray waxaana uu sheegay in haatan ay isku diyaarinayaan in ay weeraraan dabeyleydii gudaha u galay dhismaha xarunta gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Ma cadda ilaa iminka cida weerarka qaaday hase ahaatee weerarada noocaan oo kale ah waa kuwo aad ugu yar magaalada Erbil maadaama magaaladani ay kamid tahay magaalooyinka ugu xasiloon ee dalka Ciraaq.