Daawo-Faahfaahinta Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Daawo-Faahfaahinta Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Muqdisho caasimada Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay laba qarax oo is xigxigay kuwaas oo qaarkood si wayn looga maqlayay guud ahaan magaalada Muqdisho, Ugu horayn gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee Beerta nabada ahna agagaarka hotel SYL halkaas oo ay bar kaantarool u taalay ciidamada ilaalada madaxtooyada, intaas ka dib waxaa is rasaasayn isku bilaabay ciidamada ilaalinta iyo koox hubaysnayd.

Sidoo kale qarax labaad ayaa ka dhacay agaagarka MCHka ceelgaabta muqdisho , qaraxaas ayaa ahaa gaari goobta yaalay oo horay loo diyaariyay, Wararka ay horsed media helayso ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sidoo kale waxaa la toogtay qaar ka mida dadkii weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa ah hada mid degan, laamaha amaanka ayaana saacadaha soo socda la rajaynayaa in ay ka hadlaan, qarxayada is xigxiga ee Muqdisho ka dhacay maanta ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweyne Farmaajo uu maanta u ambabaxay dalka Belgium.