Dad badan ayaa ku dhintay dab ka kacay dalka Giriiga

Dab ka kacay kaymo ku yaalla Giriigga ayaa dilay ugu yaraan 60 ruux, sida ay dawladdu sheegtay, masuuliyiinta dalkaasina waxay raadinayaan caawimaad caalami ah.

Boqolaal ruux oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku hawlan daminta dabka, dadkuna waxay isaga carareen guryahoodii u dhawaa magaalada caasimadda ah ee Athens.

Waxaa socda hawlgal lagu baadi goobayo 10 ruux oo dalxiise yaal ah oo doon raacay iyaga oo dabka ka firxanaya, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno si aan u xakamayno dabka, sida uu saxafiyiinta u sheegay Ra’iisulwasaare Alexis Tsipras.

Wuxuuna soo gaabiyay safar rasmi ah oo uu ku joogay Bosnia, si uu isugu dubarido jawaabta laga bixinayo xaaladdan, taas oo shaqaalaha dabdamisku ay ku tilmaameen mid aad u adag.

Ammin hore oo Talaadadii ahna, Dimitris Tzanakopoulos oo ah afhayeen u hadlay dawladda ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay sare u kacday oo labaatan gaartay.

Dadkaas intooda badan waxay ku xayirmeen Mati oo ah goob badda qarkeeda ku taalla oo loo tamashle tago, waxayna 40km dhanka waqooyi bari ka xigtaa magaalad Athens, waxayna dhinteen iyaga oo guryahooda ama gawaaridooda ku jira.

In kabadan 104 ayaa dhaawacmay 11 ka mid ah ayayna xaaladdoodu aad u liidataa, 16 ka mid ah dadkaas dhaawaca ahna waa carruur.

Exit mobile version