Wajaale(GNN):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay lagu soo rogey benddow kaddib markii shalay gelinkii dambe dhallinyaro dooneysa in ehelkooda xabsiyada laga siidaayo ay isku dheceen ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xidh xidhan xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeeniya.
Hore maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xidhay Jeelkan oo ahaa ugu ballaadhan oo ay ku xidhxidheen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xidhiidhka la leh ururrada mucaaradka.
Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.