Itoobiya iyo Eritrea oo ‘xalay dhalay’ ka noqday colaaddii

Colaadda labada dal dhex martay iyo dagaalka dhexmaray waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay dagaalki ugu weynaa oo hub casri ah la iisu adeegsado ee qaaradda Afrika ka dhaca, dadki ugu badnaana ay ku dhinteen.

Mudda 20 sana ahna ay labada dal dhulka ay isku heysteen ay dhufeys isugu jireen ciidan nus malyuun kor u dhaafayo oo dagaal heegan u ahaa iyada oo marmar ay dhaceysay in rasaas la isdhaafsado.

Haddaba isbeddelka cusub ee ka billaawday Itoobiya wuxuu horseeday inuu dalku hoggaamiyo ra’isal wasaare ka aragti duwan madaxdi dalka ka arrimineysay kaasoo ku baaqay dal iyo dibadba inuu wax walba oo ay nabad ku abuurmi karto iyo colaadna lagu soo afjari karo uu qaadayo.

Wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu soo afjarayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea oo uu dalkiisu shuruud la’aan uu nabad u qaatay diyaarna uu u yahay inuu Eritrea la heshiiyo.

Ra'isulwasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed CaliLahaanshaha sawirkaASHRAF SHAZLY
Image captionRa’isulwasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed Cali

Tallaabbooyinka nabadda ee ay ay Itoobiya qaadday

  • Waxay ku dhawaaqday iney hirgelineyso heshiiski Algers ee 20 sana ka hor la gaaray.
  • Dhulki la isku haystay iney Eritrea siineyso colaadda dhowr iyo labaatanka sano si loo soo afjaro.
  • Labada shacab iney yihiin laba shacab oo walaala ah oo aan kala maarmin oo ay siyaasadda kala fogeysay dhulkooda hooya ee labaad oo Itoobiya ah iney ku soo dhawaadaan iyo
  • Inuu wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed uu booqasho ku tagayo Asmar.
  • Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airline) ay duullimaad toos ah oo ay ku tageyso Asmara ay billaabeyso booqashada ra’isal wasaaraha kaddib.
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan saalix iyo La taliyaha madaxweynaha Eritrea Yemaane Gebre-AbLahaanshaha sawirkaHADASI ER
Image captionWasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan saalix iyo La taliyaha madaxweynaha Eritrea Yemaane Gebre-Ab

Wafdiga Eritrea ay u soo dirtay Itoobiya

  • Eritrea iyada oo ka jawaabeyso baaqa Itoobiya waxay soo dirtay wafdi sare oo ay hoggaaminayaan Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan saalix iyo La taliyaha madaxweynaha Eritrea Yemaane Gebre-Ab.
  • Waxayna wadahadallo la yeesheen Ra’isal wasaare dr Abiy Axmed iyo Wasiirka arrimaha dibadda waxayna booqasho ku soo mareen warshado badan oo laga dhisay duleedka Addis Ababa.
  • Waxayna labada dhinaca isku afgarteen in safaaradaha labada dal dib loo furo oo xiriirka dibloomaasiyadeed dib loo billaabo.
  • Dr Abiy Axmed wuxuu wafdiga uu u dhiibay farriin iyo hadiyad wada socda oo loo geysnayo madaxweynaha Isaayaas Afawarqi.
  • Wafdiga Eritrea marki ay dalkooda ku laabteen maxaa dhacay?
  • Dowladda Eritrea oo farriinta Dr Abiy Axmed ee nabadda aad ugu faraxsan, ugu riyaaqsan soona dhaweyneyso waxay soo saartay go’aannadan iyada oo bayaan culus ka soo saartay:-

Qodobbada uu bayaanka ka hadlayo waxaa ka mid ah:-

  • Baaqi nabadeed uu noo soo jeediyey ra’isal wasaaraha Itoobiya si buuxda ayaan u aqbalnay.
  • Waxaan go’aaminnay itoobiya iyo Eritrea xad u dhaxeeya inuusan jirin oo xuduuddi la isku furay.
  • Waxaan go’aaminnay muwaaddiniinta Itoobiya iney dekadda casaba ku tagi karaan aqoonsiga Itoobiya oo aan looga baahneen Baasboor iyo Fiisa midna.
  • Waxaan go’aaminnay luuqadda Af-amxaariga maadaa ay waddankanaga waxtar weyn u leedahay waxaan ku go’aaminnay in manhajka waxbarashada lagu daro oo maadda ahaan looga bixiyo dugsiyada waxbarashada.
  • Waxaan go’aaminnay shacabka Eritrea iney diyaaradda Ethiopia oo keli ah isticmaalaan.
  • Waxaan go’aaminnay maanta iyo barri toona inaan wax xirirri ah la yeelaneyn kooxda Wayaanaha (TPLF).
  • Iyo qodobba kale.

Maxaa la filayaa?

  • Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo wafdi sare oo uu horkacayo oo Itoobiya ka socda iney dabayaaqada toddobaadkan ay ka degaan magaalada Asmara.

Soomaaliyaalka dirirta Itooboiya iyo Eritrea

  • May 24, 1993 Eritrea waxay madaxbannaanida ka qaadatay dalka Itoobiya
  • May 6, 1998 dagaalki dhiigga badan uu ku daatay ee xudduudaha ayaa labada dal ka dhex qarxay
  • 1998-2000 dagaal ayaa ka dhex socday labada qof, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70,000 oo qof.
  • June 18, 2000 labada dal waxay galeen heshiis ah iney labada dal cadow iisu arag dagaalkana ay joojiyaan.
  • December 12, 2000 heshiiski Algers ayay labada dal kala saxiixdeen.
  • April 13, 2002 guddiga xudduudda ee Itoobiya-eritrea loo aasaasay waxay soo saareen go’aankooda aan racfaanka lahayn.
  • November 2002, qaramada midoobay ayaa sheegay labada dal haddii ay madasha nabadda u soo noqon inuu cunaqabateyn uu saarayo.
  • November 10, 2005 Eritrea waxay xadka ka eriday ciidama nabad ilaalin ah oo ka socday Mareykanka, Yurub iyo Ruushka.
  • March 10, 2007 Eritrea waxay ka baxday xubinnimada urur goboleedka IGAD.
  • November 10, 2009 golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea iyada oo lagu eedeeyey ineey kooxaha xagjirka ee Soomaaliya ay hubeyso.
  • March 10, 2011 waxay Eritrea ku dhawaaqday jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya iney taakuleyneyso.
  • December 11, 2011 Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay iney dalxiisayaal ay ka afduubtay deegaanka Cafarta ayna dishay.
  • February 9, 2012 Itoobiya ayaa duqeysay saldhig ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Eritrea oo ay ku sheegtay iney ku tababarto jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya.
  • August 2012, Melse Zeenaawii oo dalka Itoobiya ka arriminayey ayaa geeriyooday.
  • December 10, 2012 ciidamada kooxaha mucaaradka ayaa la wareegay dhismaha wasaaradda warfaafinta Eritrea.
  • June 8, 2015 qaramada midoobay ayaa Eritrea ku eedeysay iney xad gudubyo ka dhan baniaadaminimada ay geeysato.
  • June 8, 2016 Ra’isal wasaare Hayle-Maryam Desalegn ayaa Eritrea uga digayiney joojiso tallaabbooyinka daandaansiga ay waddoo haddii kale tallaabba military ay ka qaadeyso.
  • August 2016, Itoobiya iyo Eritrea ayuu dagaal ku dhex maray Jiidda Sorena waxaana ku dhintay ku dhawaad 100 askari.
  • May 9, 2017 ciidamada nabad ilaalinta Qadar marki ay ka baxeen howlaha nabad ilaalinta xadka waxay xiisad cusub ka dhex abuurantay Eritrea iyo Jabuuti.
  • Sebtember 11, 2017 waxaa marki ugu horreeyey dagaalladi dheeraa kaddib fool ka fool u kulmay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalix iyo xubna sare oo ka socday wasaaradda arrimaha

dibadda Eritrea.

  • April 2, 2018 Dr Abiy axmed ayaa loo doortay ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya.