Itoobiya oo Shidaal Deyn ah ka Dalbatay Sacuudi Carabiya.

Madaxa xafiiska ra’isulwasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Routers u sheegay Itoobiya si ay uga baxdo dhibaatada dhinaca lacagta adag ka soo food saartay ay Sacuudi Carabiya ka dalbatay iney hal sano shidaal deyn ku siiso.

Shidaalka Sacuudiga sidi dalka loo soo gelin lahaa inuu wada hadal u socdo.

Wuxuuna intaa ku daray codsiga dowladda inuu yahay mid horay u sii qorsheysnaa si baahida shidaalka dalka loo daboolo.

Baahida dhinaca doolarka oo dalka soo foodsaartay iyo dhibaatooyin la xidhiidha adeegga aasaasiga ah oo ay waddooyinka ka midka yihiin ayaa waxay sababtay hanti ka badan 1.6 milyan oo tan in dakadda jabuuti ay ku uruurto.

Itoobiya waxay dhawaan si weyn u hadal haysay baahida dhinaca lacagta adag oo dalka u habsatay.

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali isaga oo baahidaa ka duulaya wuxuu dhawaan amar uu ka bixiyey muwaaddiniinta lacagta adag gacanta ku haya iney bangiyada ay ku soo celiyaan oo ay ka sarriftaan maadaamaa sarrifka bangiyada dowladda iyo kuwa suuqa madow uusan farqi u dhaxeyn.

Source—-BBC