Maraykanka Oo Eedayn Culus Dusha Ka Saaray Waddamada Carabta Iyo Kuwa Islaamka+ Sababta Keentay.

Gabadha Qaramada Midoobay u fadhida dalkaasi Maraykanka Nikki Haley ayaa waxa ay dhaleecayn xooggan korka uga tuurtay waddamada Carbeed ee Qaniga ah iyo kuwa Islaamka ee dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay, Nikki Haley ayaa waxa ay ku eedaysay waddamadaasi in ay banneeyeen garabka reer Falastiin hadii ay tahay dhinaca siyaasadda,dhaqaaleynta iyo nabadgelyadaba.

Gabadhan oo ka hadlaysay shirkii billaha ahaa ee qaramada midoobay ee ka dhacay magaalada New York ayaa waxa is weyndiisay halka ay ku maqanyihiin dalalkii carbeed ee ay u caawin waayeen walaalahood reer Falastiin waxay tidhi “Maraykanku waxa uu siiyay dadka reer falastiin 300 oo Milyan oo dollar 2 dii sano ee ugu dambeeyay tan iyo 1992-kii lacagta caddaanka ee Marakanku siiyay Falastiin waxay gaadhaysaa ayay tidhi 6 Bilyan oo Dollar, sidaas darteed waxay tidhi xaggeebay jiraan waddamadii Carbeed markay timaaddo inay taaageeraan baahiyaha iyo Nabadeynta dadka reer Falastiin ama inay ballan qaadaan in nabad gelyo ay helaan dadka reer Falastiin, mararka qaar waxay madaxda Carbeed ka soo khudbadeeyaan meel u jirta boqollaali kilomitir meesha xasaraddu ka taagantahay”.

Niki Haley ayaa sheegtay in waddamada carabta iyo islaamku aanay is dhaamin waxaana ay tusaale usoo qaadatay dalka Iran oo ay sheegtay in aanay sannadkii tagay Hal dollar siinin reer falastiin ee qaxoontiga ah sidoo kale dalalka Morocco iyo Tunisia iyagana shilin kumay bixin, kuwa kale ee qaniga ee khaliijku iyagana doorkii looga baahnaa ee dhaqaaleynta iyo nabadeynta reer Falastiin Waxba kumay darsan.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxa uu jaray lacag gaadhaysay 125 milyan oo dollar oo la siin lahaa hay’adda UNRWA ee qaramada midoobay u qaabilsan taakulaynta qaxoontiga reer Falastiin, waxaana ay ku tilmaantay tallaabadaas Nikey Heley in ay caddaalad ahayd, waxaanay tilmaantay in 364 kii malyan ee sannadkii hore Maraykkanku siiyay Falastiiniyiinta ay ahayd mid caddaynaysa deeqsinimada Maraykanka , sannadkana ay siiyeen 60 Milyan oo dollar oo kaliya.

Xigasho: XORNIMONEWS